WorldRemitAds

Berbera, Somaliland, October 26, 2015 (Saxafi) – Booyadaha shidaalka ka qaada Kaydka haamaha shidaalka Berbera ayaa wararku sheegayaan in hakad la galiyay ka dib markii uu soo baxay muran ku saabsan cashuur qaadista.

Amarka joojinta in wax shidaal ah laga dhaamiyo haamaha ayaa ka dambeeyay markii sida la sheegay Wasaaradda Maaliyaddu weyday, islamarkaana la leexsaday cashuurtii loo qaaday tobankii maalmood ee laga soo gudbay oo ay socotay hawl lagula kala wareegayay Haamaha Shidaalka. Warku waxaa uu intaas ku daray in arrintani galaafatay ganacsataddii iyo booyadihii shidaalka doonayay ee iyagu sifihii sharciga ahaa maray. “Waxaa la xanibay booyadihii xalay, (Habeen hore) maantana,(Shalay) wax la dhaamiyay ma jirto gabi ahaanba.” Sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah dadka arrintani saameysay, waxaana uu intaas ku daray in xalay dib loo bilaabay dhaaminta booyaddaha.

booyahaLacagta la waayay ee cashuurta ah ee booyadaha shidaalka doonaya ee iyagu bixiyay lagu dhibaateeyay, Xogaha qaar waxaa ay wax ka saareen maamulkii hore, halka qaarkoodna ku eedeeyeen shirkadaha cusub, iyaddoo illaa shalay lagu jiray sidii arrintaas loogu jid bixin lahaa.

SomlegalAds

Boqolaal booyadaha shidaalka u kala qaada suuqyada shidaalka ee gobolada dalka ah ayaa isku soo gaadhay haamaha, kuwaasi oo hoganayay kaydka dushiisa.

Ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada shirkaddaha dhawaan la wareegay gacan ku haynta Haamaha shidaalka Berbera, maamulkii hore ee Haamaha iyo dhinaca maaliyadda.

Arrintan xanibaadda booyadaha shidaalka iyo ganacsatadda waxaa hore shaqadii uu hayay ugu waayay Cumar Yuusuf Ibraahim (Dharab), oo hore u joogay laanta kastamka u qaabilsan Haamaha ayaanu weydiinay bal inuu sharaxo sidii buulka looga dhigay iyo halka ay iska shabahaan arrintiisaas iyo tan hadda dhacday. “Arrintan lagu xanibay Booyaduhu waatii aan ku immid buulka oo kale, sababta oo ah. Maamulaha ayaa igu yidhi waqtigaas aan joogay laanta, maareeyaha Haamuhu Jeegii lacagta ay inoo qabteen tobankii cisho ee ugu danbeeyay inoomu saxeexin sidaas darteed. Wax booyado ah oo aad sii deyn kartaa ma jirto. Ana waxaan idhi maamule weli quus ma joogno oo maanta ayuunbaynu dalacnay biilkiiye aynu sugno illaa galabta, ileyn dadka rayidka ah ee iyagu lacagtii cashuurta ahayd inoogu shubay sidii sharciga ahayd ma joojin karee. Waayo, waxaanu nahay laba hayadood oo dawli ah oo lacag isu haya’, in dadka cashuurta bixiyay u xayirmaan lacag aanu kala weynayna xaq uma lihin. Markaa waxaan idhi Falaadh fadeexadeedu inagu soo noqon karto yaynaan ku degdegin. Ra’yigaas markaanu is weydaarsanay waxaa uu amar ku bixiyay in aan xafiiska wareejiyo, galabtiina waaba lana siiyay lacagtii. Tan imika dhacdayna waxaan u arkaa uun inay la mid tahay, waayo Booyadaha lacag laguma laha, qofka cashuur bixiyaha ahina dhibane uma noqon karro lacag Maaliyaddu ka doonayso oo ay u qaadeen maamulka Haamuhu, maadaama ganacsadaha isaga laga qaaday oo uu ku bixiyay sifihii la yidhi ku bixi ee sharciga ahaa.”

Arrintan xanibaada booyadaha marka laga yimaado, Haamaha shidaalka Berbera waxaa ku dhawaad laba todobaad gacanta ku hayay shirkaddaha xukumaddu ku wareejisay, waxaana arrintoodu buuq ka abuurtay guud ahaan Gobolka Saaxil.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.