WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, October 30, 2018 (Saxafi) – Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Boqor Buurmadow) oo kamid ah madax dhaqameedka reer Somaliland gaar ahaanna beellaha bariga gobolka Togdheer ayaa sharaxay aragtida uu ka qabo buuga hadal haynta badan dhaliyey, ee uu qoray Xirsi Cali Xaaji Xasan hoggaamiyaha xisbiga Waddani.

Buugan oo dhawaan lagu soo  bandhigay Hargeysa ayuu boqor Buurmadow waxa uu farta ku goday  nuxurka Buuggan oo uu ku tilmaamay in ay ka maqan yihiin qoddobo uu  filayay in Xirsi ku soo qaato Buuggiisa kuwaas oo qurxin lahaa farriinta uu xambaarsan yahay buuggu.

SomlegalAds

Boqorku waxaa uu sheegay inay meesha ka maqan tahay laba oday oo uu filayay boqor ahaan in Xirsi u mahadnaqo, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Horta anigu buugga Xirsi maan akhriyin, Mana jecli inaan ka faalloodo maadaama aanan akhriyin weli, Haddiise aan daawaday xafladii lagu soo bandhigay buuga waxaan anigu Saluugay khudbadii uu Xirsi Madasha ka jeediyey, marka laga eego dhinaca mahadnaqa. Waayo waxaan filayay in uu Xuso oo uu hadalkiisa ku daro ciddii tacabkiisa lahayd oo ahaa labada Oday Ee Maxamed Siciid Ducaalle (Dahabshiil) oo isagu sabab u ahaa in uu [Xirsi ahaan] Baro Axmed Siilaanyo.  Taasi ayaa mudnayd buugana sharaf u ahayd in uu muhiimada saaro, halka uu kaga dheeraaday Xasan Madar iyo Xuseen Dayr. Taasina Allaylahe Inaadeer golihii bandhiga way seegtay”. Sidaasi ayuu Buurmadow ku yidhi qoraal kooban oo uu ku daabacay barta uu ku leeyahay degelka xidhiidhka Bulshada ee Facebook, waxana uu intaas ku ladhay “ Guusha qudha ee uu leeyahay  Xirsi waa in uu xuso Maxamed Siciid iyo Axmed Siilaanyo, waana labadii buugga la macnaha ahaa ee Midina uu miyiga ka keennay midina uu madaxtoyada keenay”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.