WorldRemitAds

Swaziland, April 21, 2018, (Saxafi) – Boqorka dalka Swaziland Boqor Mswati III ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in uu bedelay magaca dalkiisa ee Swaziland una bixiyay “Boqortooyada eSwatini”.

Arrrintan ayuu uga dhawaaqay garoon kubbada cagta ah oo loogu dabaaldegayay sanad-guuradii kontonaad eeka soo wareegatay xornimada wadankaas.

SomlegalAds

Magacan cusub, eSwatini ayaa la micno ah “Dhulkii Swaziga”in kastoo bedelida magaca uu ahaa mid aan hore loo fileyn balse Boqor Mswati ayaa sanadihii la soo dhaafay dalkiisa ugu yeedhi jirey magacan cusub ee eSwatini.

Wararka waxa ay sheegayaan in magacan uu ahaa kii uu boqorku isticmaalay markii uu qudbad u jeedinayay golaha guud ee Qaramada Midoobay sanadkii 2017 iyo weliba furistii Baarlamaanka dalkiisa sanadkii 2014.

Hoggaanka wadanka Swaziland ayaa lagu eedeeyaa inuu ku tunto xuquuqda aadanaha iyo weliba in uu mamnuucay xisbiyada kana reebay siyaasada haweenka dalkaas.

Boqor Mswati oo ah 50 jir ayaa ka dhaxlay boqornimada aabihii Boqor Sobhuza II oo muddo 82 sano ah boqor u ahaa dalkaas. Boqor Mswati waxa uu leeyahay 15 xaas halka sida dadka taariiqda qoraa ay sheegeen in aabihii uu lahaa 125 xaas.

Boqorkan oo lagu naaneyso Libaax ayaa ku caan ah xaasaska badan ee uu guur-sado iyo weliba sida uu daacada ugu yahay dharka hiddaha iyo dhaqanka ee uu caanka ku yahay dalkiisa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.