WorldRemitAds

Boqorka dalka Urdun ayaa qaatay go’aan aad uga yaabiyay dadka carabta iyo Islaamkaba, waxaanu sida ay warbaahinta reer galbeedku sheegtay uu boqorka dalkaas, Boqor Cabdallaha Labaad diyaaradaha dagaalka ee Israel u ogolaaday inay hawada dalkiisa isticmaalaan, marka ay u baahdaan inay duqeeyaan dalka Suuriya.

Sida ay ku warantay jariirada (Le Figaro), ee ka soo baxda dalka Faransiisku boqorka dalka Urdun ayaa dhamaan, hawada dalkiisa u furay diyaaradaha dagaalka ee dalka Israel haddii ay duqaynayaan gudaha dalka Suuriya, taas oo sida jariiradu sheegtay u fududaynaysa diyaaradaha dagaalka ee Israel inay si fudud uga gudbaan una gaadhi karaan gudaha dalka Suuriya.

SomlegalAds

Jariirada oo sheegtay in warkan ay ka heshay, ilo milatariga reer galbeedka ee ku sugan bariga dhexe, waxa ay intaa ku dartay, in go’aankan boqorku ogolaanayo in diyaaradaha dagaalku iyaga oo duqayn ka samaynaya, gudaha dalka Suuriya ay sii socod iyo soo noqodba mari karaan oo hawada dalka Urdun u furan tahay.

Sidoo kale jariirada(Le Figaro) ee dalka Faransiisku waxa ay ka warantay, goorta la filayo in go’aankaaasi, ku dhashay boqorka ama laga saxeexay, iyada oo tilmaantay inay ahayd markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu socdaalka ku tagay bariga dhexe.

Le Figaro ayaa sidoo kale ka warantay laba khad oo diyaaradaha dagaalka ee Israel Boqorka Urdun u ogolaaday, kuwaas oo kala ah, khad raacsiisan saxaraha lagu magacaabo, (Naqiib) iyo khadka labaad oo ah mid meel aad ugu dhow magaalada caasimadda u ah dalka Urdun ee Camaan ah, kaas oo diyaaradaha dagaalka ee Israel u sahlaya, in ay ka soo duulaan saldhiga cirka ee magaalada Tel-Aviv, ka dibna gudaha Suuriya si fudud u gaadhi karaan.

Jariirada oo go’aankan Boqorka Urdun King Abdullah II, falan qayn ku samaynaysa ayaa sheegtay in talaabadan, uu qaatay Israel ka fududaynayso cabsidii ay ka qabtay inay isticmaasho, hawada Lubnaan ama koonfurta Lubnaan, taas oo haddii ay samayso ay halis ku gali lahayd oo Xisbullah ay isku dhici lahaayeen, haddii diyaaradaheeda Raadaalada Xisbullah Qabtaan, oo dagaal balaadhani ka dhex qarxi lahaa iyada iyo Xisbullah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.