WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland June 18, 2017 (Saxafi) – Wararka ka imanaya dalka boqortoyadda Sucuudi Arabiya ayaa sheegaya in baasaaboorka Somaliland ay ogolaadeen in lagu taggi karro waddamada Sucuudiga iyo Isu-taga Imaaraadka Carabta UAE.

Ma jiro war rasmi ah oo ay xukuumaddaha Somaliland, Sucuudi Arabiya iyo Imaraadka Carabta midkoodna kaga hadley, hase yeeshee xogo dibloomasiyadeed oo wargeyska Saxafi helay ayaa sheegaya in dowladdaha boqortooyadda Sucudi Arabiya iyo Imaraadka Carabtu ay sidoo kale Somaliland ka caawin doonaan qalabka la socodka diyaaradaha hawada sare ee loo yaqaan Radar-ka, isla markaana ay balan qaadeen inay saraakiil reer Somaliland ah oo hawsha qabta ay ku tababari doonaan dalka Imaraadka.

Waxa kale oo ay wararku intaas ku darayaan in dawladda boqortooyadda Sucuudigu qorshaysay in ay Somaliland marka hore u ogolaato in baasaaboorkeeda loogu safri karro, gaar ahaan cumradda iyo Xajka, laakiin, weli waxaan cadayn xiliga ay hawshaas bilaabayso. Xogaha aanu helayna ma ay cadaynin waqti.

SomlegalAds

 Mar aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka waydiino wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire oo Wariyayaal ka socda Wargeyska Saxafi ay kula kulmeen hudheelka Ambassador shalay ayaa ka gaabsaday inuu wax jawaab ah ka bixiyo wararkan la isla dhexmarayo ee muujinaya in xidhiidhka waddamada Khaliijka ee raacsan Sucuudiga iyo Somaliland kor u kacay, ka dib cunaqabatayntii la saaray Qatar oo Somaliland la safatay dhinacoodda.

Halkan ka soo roggo Cadadkii Saxafi ee soo baxay Axad, June 18, 2017

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.