WorldRemitAds
Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Ban Ki Mon ayaa si rasmi ah u shaaciyay dhimashada xoghayihii hore ee qaramada midoobay Boutros Boutros-Ghali, waxaanu Ban Ki Mon amaanay hawshii dublamaasiyadeed iyo hogaamineed ee uu ninkaasi ka soo qabtay qaramada midoobay, gaar ahaana dedaalkii dublamaasiyadeed ee dhex dhexaadinta colaadaha iyo dhibaatooyinkii dunida ka qarxay dhamaadkii dagaalkii qaboobaa, ayuu yidhi Ban Ki Mon.

Boutros Boutros-Ghali, ayaa ahaa dublamaasigii carbeed ee ugu horeeyay ee xoghaye guud ka noqda qaramada midoobay, waxa kale oo uu ahaa masuulkii lixaad ee xoghayaha guud ka noqda qaramada midoobay, oo uu hayay 1991 ilaa 1996-kii, waa xoghayaha kaliya ee hal mar oo qudha qabtay madaxtinimadiisa qaramada midoobay.
Dhinaca dalkiisa ayuu sidoo kale xilal badan oo wasiirnimo iyo jagooyin sar sare leh ka soo qabtay, waxa uu ku dhashay caasimadda dalka Masar ee Qaahira sanadkii 1922-kii, waxaanu dhintay isaga oo 94-jir ah.
Boutros Boutros-Ghali, ayaa ka dhashay qoys kiristaanka qibdiyiinta ee dalka Masar, waxaanu qoyskoodu ahaa mid magac dheer ku leh, xukunka iyo cilmiga dalka Masar, ilaa sideed oo qof oo ka mid ah qoyskiisuna xilil sar sare oo ilaa raysal wasaare gaadhsiisan ayay ka soo qabteen dalka Masar.
1946-kii ayuu dhamaystay kuliyada xuquuqda aadamiga ee dalka Masar, waxaanu qaatay Shahaadada Diploma.
1949-kii, ayuu shahaadada PHD ee Shuruucda ka qaatay jaamacada Sharciga ee Paris, caasimadda dalka Faransiiska.
Sanadkii 1977-kii ayuu noqday wasiiru dawlaha arrimaha dibada ee dalka Masar, waxaana magacaabay Madaxweynihii hore ee dalkaas Anwar Al Sadaad, waxaanu isla sanadkaas Madaxweyne Saadaad u raacay safarkiisi uu ku tagay Magaalada Qudus, ka dib markii ay heshiis nabadeed wada galeen dawlada Masar Iyo Israel.
Boutros Boutros-Ghali, ayaa markii uu noqday xoghayaha guud ee qaramada midoobay si wayn ugu fashilmay, qadiyado badan oo dublamaasiyadeed oo kuwa Somalidu ka mid ahaayeen, waxaana si wayn loogu eedeeyay wakhtigaas in uu ku shaqaynayo siyaasadii arrimaha dibada ee dalkiisa Masar, isla markaana aanu fikir ahaan u korin.
Waxa ay si wayn isugu dhaceen oo kale dawlada Maraykanka, taas oo si buuxda isu hor taagtay in mar labaad loo soo sharaxo xoghayaha qaramada midoobay, oo had iyo jeer dublamaasiga qabtaa laba wakhti hayo xilka.
Markii uu ka tagay qaramada midoobay waxa uu noqday guddoomiyaha ururka dalalka afka Faransiiska ku hadla ee dunida, kaas oo uu muddo hayay, intaa ka dib waxa uu noqday xoghayaha ururka xuquuqda aadamiga ee dalka Masar, xilkaas oo uu hayay ilaa sanadkii 2011-kii.
Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa markii safiirka dalka Venezuela oo madaxtinimada bishan hayaa ku dhawaaqay geeridiisa, daqiiqad baroor diiq ah isu taagay oo looga dhex sameeyay, waxaana meelo badan oo dunida ah laga sheegay amaantiisa.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.