WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 05, 2018 (Saxafi) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxaa ka dhex istaadhan mooshin la doonayo in xilka lagaga qaado Guddoomiyha Golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan.

Xildhhibaano ka tirsan golaha guurtida ayaa dood ay ka yeesheen ajandaha kal fadhiga 66aad ku soo jeediyey in la furo xeer hoosaadka Golaha Guurtida Somaliland kaas oo awoodo badan siinaya guddoomiye Saleebaan.

SomlegalAds

Buuq badan oo ka dhashay fadhigii doraad ee Golaha Guurtida Somaliland ka dib waxa laysla gartay cod loo qaado in ajandaha kal fadhigga 66aad lagu soo daro wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha .

Mooshinkan ayaa waxa wada xildhibaano sida ay qaar warbaahinta ka mid ahi daabaceen.

Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxnaan

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin “Dheeg”

Xildhibaan Dayib Xasan Muxumed

Xildhibaan Cawil Dhawiil Xasan

Xildhibaan Cabdicasiis Boosh-cadde

Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yasir

Xildhibaan Cabdiraxmaan Laangadhe-libaaxo

Xildhibaan Faysal Ciise Ubaxle

Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac

Xildhibaan Jirde

Intan oo kaliya kuma koobna Xildhibaanada doonaya in Xeer hoosaadka golaha dib loo furo balse waxaa jira kuwo kale oo iyaguna Hanqalka taagaya haddii goluhu u coddeeyo in cod la galiyo furitaanka Xeerkani.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.