WorldRemitAds

Kooxaha Liverpool iyo Roma ayaa u soo gudbay afar-dhamaadka tartanka Horyaalka Kooxaha Yurub, kadib markii ay wax yar ka kooxda Liverpool gurigeeda ku gowracday Manchester City gurigeeda Etihad, kaga adkaatay 2-1, iyadoo wadarta labadii ciyaarood ay noqotay 5-1 ay kooxda Liverpool ugu gudubtay wareega afar-dhamaadka.

Inkastoo ay kooxda Man City ku horeysay goolka oo uu u dhaliyay Gabriel Jesus daqiiqadii labaad ee qaybtii hore, hase yeeshee Xidiga reer Masar Maxamed Saalax ayaa qalbiga jebiyay kooxda iyo Taageerayaasheeda xamaasadu madax martay, waxaanu qaybtii labaad markii layskugu soo noqday daqiiqadii 56aad uu shabaqa ku taabtay gool xabad kaga kululaa reer Man City oo gebi ahaanba goolkaas kadib isku daatay. Roberto Firmino ayaase daqiiqadii 77aad u qoos-gooyay Manchester City oo bye bye ku yidhi kadib markii uu goolkii labaad ee guusha Liverpool u dhaliyay. 

SomlegalAds

Sidaas ayay Liverpool ciyaarta ugaga guulaysatay 2-1 Man City, iyadoo 5-1 wadarta labadii lugood isku noqotay, Liverpoolna ugu gudubtay afar-dhammaadka Horyaalka Kooxaha Yurub ee Championship League.

Dhinaca kale, Kooxda Talyaaniga ah ee AC Roma ayaa guul ay xoogsatay ku reebtay kooxda reer Spain ee aadka loo buunbuuniyo, waxaay ciyaartii caawa kaga adkaatay 3-0 Barcelona, iyadoo taasi meesha ka saartay guushii Barcelona ee ciyaartii lugtii hore ay kaga soo badisay Roma 4-1, waxaanay wadarta labadii ciyaarood noqotay 4-4, balse Roma oo ciyaartii hore guriga Barcelona gool ku soo dhalisay ayaa ku soo baxday sidaas, maadaama aanay Barcelona guriga kooxda Roma wax gool ah ku dhalin. Sidaasna kooxda Roma ayaa noqotay kooxda labaad ee u soo gudubtay wareega afar-dhammaadka tartanka horyaalka Kooxaha Yurub ee Championship Leage. 

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.