WorldRemitAds

Cilmi-baadhis caafimaad tii ugu danbaysay ee dunida laga sameeyay ayaa si wayn daaha uga rogtay heerka ama qiyaasta qofka iyo hurdada uu u baahan yahay ama ku filaan karta noloshiisa iyo caafimaadkiisa, taas oo baadhitaan lagu ogaaday inuu jiro unugyo ka masuul ah.

Warbixintan oo ay samaysay Ludwig Maximilian University ee magaalada Munich ayaa lagu cadeeyay in afar saacadood ay qofka ku filaan karto isla markaana aanay caafimaadkiisa waxba u dhimayn haddii ay hurdadiisu noqoto afar saacadood oo kaliya.

SomlegalAds

Baadhayaasha warbixintan diyaariyay ayaa intaa ku daray in unug ama waxa afka qalaad loogu yeedho Gene uu jiro oo jidhka aadamiga ku abuuran, kaas oo isagu masuul ka ah qiyaasta hurdo ee qofku seexan karo, waxaanu unugaasi marba la jaan qaadaa inta uu qofku seexdo.

Madaxa hogaaminaysay kooxdan baadhitaanka samaysay oo lagu magacaabo Carla Albrandt, ayaa sheegtay in baadhitaan lagu sameeyay dad tiradoodu dhan tahay afar kun oo qof oo ku kala nool todoba waddan oo qaarada Yurub ah laga gaadhay natiijo si wayn uga yaabisay saynis yahanada iyo dadka isku hawla xaaladaha xaafimaad ee aadamiga.

Gabadhan ayaa tilmaantay in wakhtiyadii hore la aaminsanaa in wakhtiga ugu haboon ee aadamigu u baahan yahay inuu seexdaa tahay sideed saacadood laakiin baadhitaankan lagu ogaaday in heerkaasi aanu ahayn mid asaas ah (Standard) oo ay jiraan wakhtiyo ama saacado intaa ka yar oo qofka ku filaan kara.

In kastoo baadhistani tahay mid wali lagu guda jiro oo tijaabadeedi socoto haddana waxa ay muujinaysaa in boqolkiiba lixdan dadku leeyihiin unuga ama Gene-ka lagu magacaabo “ABCC9) kaas oo haddii qofka uu mid qudhii ku abuuran yahay jidhkiisa uu awood u leeyahay inuu seexdo hurdo afar saacadood ah, taas oo ugu filan caafimaad ahaan, hasa yeeshee haddii Gene-kaas hal ka badan yahay aanu awoodi karin inuu sideed saacadood wax ka yar seexdo haddii ay dhacdana laga yaabo in xanuunada Macaanka iyo Sanboorku ku dhacaan.

Warbixintan caafimaad oo lagu daabacay wargeyska Washington Times ayaa lagu sheegay in dadka ugu fikrada iyo dedaalka badan dunidana wax ku soo kordhiyay siyaasada iyo horumarka waddamadooda sida haweenaydii raysal wasaaraha hore ka ahaan jirtay dalka Ingiriiska ee Margaret Thatcher.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.