WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia 28, 2018, (Saxafi) – Laamaha amaanka ee dawladda Itoobiya ayaa xabsiga dhigay Madaxwaynihii hore ee dawlad-degaanka Soomaalida, Cabdi Maxamed Cumar, sida laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Addis Ababa.

TV-ga dowladda ETV ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya ciidamo Booliska ah oo Cabdi Illey kala soo baxay guri uu ka deganaa magaalada Addis Ababa oo ku yaalla eel u dhow Hotel Atlas, ciidankaas oo gaadhi saaray.

SomlegalAds

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamaddu ay Guriga Cabdi Illey laga soo xidhay ay ka heleen 5 qori oo AK-47 ah iyo 4 bastooladood, kuwaasoo ay la wareegeen hay’adaha amniga, islamarkaana lagu sameynayo baadhitaan.

Xadhiga Cabdi Illay ayaa waxaa uu ku soo beegmay maalin ka dib markii xubnaha sharci dejinta ee dowlad deegaanka Soomaalidu ay ka xayuubiyeen xasaanada Cabdi Illay iyo lix xubnood oo kale.


Akhri: Ma Dhabbaa In Xabsiga Loo Taxaabayo Cabdi Iley Madaxweynaha Dawlad-Deegaanka Soomaalida Ethiopia


 

Cabdi Iley Oo Xabsiga Loo TaxaabaySababta xasaanadda looga qaaday ayaa lagu sheegay inay lala xidhiidhinayo inay ku lug-lahaayeen kicinta rabshadihii dhowaan ka dhacay Magaalooyin ka tirsan deegaanka, taasoo ay ku dhinteen dad badan, kuwa kelana ay ku barakaceen.

MAGACYADDA XUBNAHA XASAANADA LAGA QAADAY

  1. Cabdi Maxamed Cumar – Madaxwaynihii hore ee dowlad deegaanka,
  2. Cabdi Jamaal Qaloonbi – Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Wasiirka Caddaaladda,
  3. Raxma Maxamed – Madaxa arrimaha Haweenka iyo Caruurta,
  4. Ibraahim Mahad – Wasiirka Waxbarashada,
  5. Deeq Cabdullaahi – Ku xigeenka Wasiirka Horumarinta Biyaha iyo Khayraadka,
  6. Ibraahim Maxamed Mubaarak – Duqa magaaladda Jigjiga,
  7. Cumar Cabdi – Madax arrimaha siyaasadda ee Xisbiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya ee ESPDP.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo si adag uga jawaabay su’aal ku saabsaneyd waxay dawladiisa ka yeelayso Cabdi Illay iyo kooxdii la shaqayneysay ayaa doraad shaaciyay inay cadaaladda horkeeni doonaan. Dr Abiy oo sidoo kale ka hadlay xisbiga TPLF ee gobolka Rigrinya ayaa yidhi “TPLF oo kaliya ma aha dadka is badalka ka soo horjeedaa, ee dhammaan xisbiyada ku jira isbahaysiga tallada haya dad ka mid ah ayaa ka soo horjeeda isbadalka, waxna waan ka qaban doonaa” ayuu yidhi Abiy oo u muuqda in markii ugu horeysay uu si toos ah uga hadlayo arrimo aanan shaaca u soo bixin wixii hadda ka horeeyay.

Lama ogga talaabadda xigta oo ay dowladda ka qaadeyso Cabdi Illay iyo kooxdii la shaqayneysay, inkasta oo laysla dhex-marayo in lasoo taagayo maxkamad, si loogu rido xukuno ay ku mutesyteen xadgudubyadda lagu soo eedeeyay sida xeer illaalinta Ethiopia ku doodayso.

Dad badan oo ka mid ah Soomaalida Dawlad Deegaanka ayaa xalay durba bilaabay inay dalbadaan in ay dareemayaan cadaalad dhinac ka raran, iyaggoo ku dooday in Cabdi Ilay aanu kali ku ahayn eedaha loo haysto, waxaana ay farriimahoodda ku dalbadnayeen in sidoo kale maxkamad la soo taago hoggaamiyaha Xisbigga Oromadda iyo madaxdii maamulkii hore ee TPLF. Waxaa kuwan ka soo horjeedday dad badan oo iyana Cabdi Iley u arka inuu u dhaqmay hanaan aad uga fog habka laga fillan karo nin hayay masuuliyadda saarayd oo kale sidaas darteedna waxaa ay soo dhaweeyeen in xabsiga la dhigo. “Ma Maqli Jirteen qiyaamaha Qof walba ruuxa uu jecel yahay ayaa lala soo saari? Eega Kuwan (Xubnihii hore ee Maamulka) Aabahood baa lala soo saari (Sharcigu Ha sareeyo)” Sidaas waxaa yidhi Caydaruus Axmed Cabdi oo ka mid ah xubnaha ugu firfir coon ee taageersan madaxweynaha cusub ee deegaanka Soomaalida, horena uga soo horjeedday Cabdi Illey.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.