WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 08, 2018 (Saxafi) – Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group, Cabdirashiid Maxamed Siciid (Dahabshiil), waxa uu ka mid ahaa madax iyo ganacsato waa weyn oo lagu marti-qaaday ka qayb galka furitaanka Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Caalamiga ah ee ka caaggan cashuuraha ee Afrika u weyn, oo qaybtii u horreysey laga daahfuray dalka Jabbuuti magaala-madaxdiisa Djibouti Khamiistii, 5 July 2018.

Laanta Afsoomaaliga ee BBC’da ayaa Cabdirashiid ka waraysay bal inuu wax uga tibaaxo faa’idooyinka Afrika iyo, gaar ahaanba, ganacsatada Soomaalida uga soo kordhaya aaggan Ganacsi ee haatan qaybihiisii  u horreeyey la furay.

SomlegalAds

Waxa uu Maamulaha Guud, Cabdirashiid, sheegay in Suuqani uu guud ahaanba aad ugu fududaynayo ganacsiga laba-aflaha ah ee  ka dhexeeya ganacsatada Afrika iyo ganacsatada la macaamisha ama xidhiidhada ganacsi hadda wada leh ama uu ama berri-ka-maalin ka dhex abuurmi karo. “Aaggan Ganacsiga Xorta ah  (Djibouti International Free Trade Zone – DIFTZ) waa alaab kale oo u furmay ganacsatada iyo ganacsiga Afrika, iyada oo uu agabkii dhulka fog loo doonan jirey uu u soo dhoweynayo, oo halkan laga heli doono, iyada oo aan tacabkii ku bixi jirey iyo safarradii dhaadheeraa jirin,“ ayuu yidhi Cabdirashid.

Waxa uu Cabdirashiid ku cabbiray fursadaha uu Aaggu ku soo kordhinayo ganacsiga Waa cusub oo hor leh oo u beryey ganacsatada Afrika oo si dhab ah ugu xidhmaysa caalamka.

“Waxa kale oo aad ugu dhib yaraanaysa ganacsatada u sii gudbineysa alaabooyinka halkan lagu kala gato Afrika inteeda kale  oo ay u heli doonaan marinno aan kaba fogeyn suuqyadoodii ganacsi iyo macaamiishoodii,” ayuu ku daray Maamuluhu.

Waxa Maamuluhu tibaaxay in aan weli ganacsatadu ay xor u yihiin ciddii kale ee ay la macaamilayaan caalamka oo aanay ku khasbanayn inay ku tolmaan ganacsiga iyo ganacsatada Shiinaha oo suuqan dhuistay, kana kaalineysa Dawladda Djibouti, hase yeeshee ay haddaba jiraan ganacsi baaxad leh oo Afrika iyo dalkaa ka dhexeeya.

“Ganacsato badan oo aan la yaraysan karin o reer Afrika ah oo ay dhib iyo kadeed ku ahayd inay meelo dhaadheer u safraan ayaa jirey, ganacsina la wadaaga dal weynahan. Ganacsatadu wixii halkan ay ku kala iibsato waxa ay lacagaha isu marinayaan Bangiyada heer caalami iyo hay’adaha lacagaha isu gudbiya ee haatanba ka jira dalkan Djibouti sida East Africa Bank iyo Dahabshiil,’ ayuu yidhi Maamule Cabdirashiid.

Waxa uu Cabdirashiid tilmaamay in faa’iidooyin badan ay ugu jirto dalka Djibouti oo gaadiidkeedii, dekedaheedii, shaqaalaheedii, hudheelladeedii, Bangiyadeedii dhammaan la isticmaalayo hase yeeshee agabka ama badeecooyinka Aagga imanayaa ay yigiin kuwo sii-gudbaya oo aan dalka gelayn, sidaana ay kaga badbaadeen cashuuraha tooska ah.

“Kharashaadka kale sida maraakiibta iyo gaadiidyada kale ee agabka keenayaa waa sidoodii hore oo wax walbi bilaash ma ah,” ayuu caddeeyey Cabdirashiid.

Cabdirashiid Maxamed Siciid iyo Aamina Xirsi Mooge, oo caan ku ah ganacsiga Afrika, siiba Geeska Afrika, ayaa ka mid ahaa Haldoorkii faalleeyey faa’iidooyinka baaxadda leh ee iskaashiga lagu ebyey aaggani xambaarsan yahay. Waxa ay door muuqda ku lahaayeen shirkadaha Dahabshiil Group furitaankii Aagga Xorta ah iyo Carwo ku lammaanayd Khamiistii, oo uu xadhigga ka jaray Raysal Wasaaraha dalka Djibouti, Cabdulqaadir Kaamil.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.