WorldRemitAds

Laanta Socdaalku Maxay Ismaaciil Buubaa Ugu Diiday Ee Ay Cabdiraxmaan Cirro Uga Ogolaatay?

Hargeysa, Somaliland, August 27, 2017 (Saxafi) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiiladda Somaliland, ahna guddoomiyaha iyo Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa dorraad Madaarka Hargeysa kaga dhoofay Baasaboorka dawladda Federaalka Somalia, kaas oo ugu socdaalay dalka Sucuudi Carabiya, isagoo ka mid ah Xujaajta sannadkan soo gudanaysa Rukunka Shanaad ee Arkaanta Islaamka oo ah Xajka.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda Somaliland, gaar ahaan waaxda socdaalka oo la xidhiidha dhokumentiga ama baasaboorka uu Musharaxa WADDANI ugu socdaalay dhinaca Xajka ee dalka Sucuudiga iyo sababta ay u ogolaadeen in Cabdiraxmaan Cirro dalka kaga dhoofo Baasaboorka dawladda Federaalka Somalia.

SomlegalAds

Sidoo kale ma jiro war-rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbiga WADDANI toona lana xidhiidha Baasaboorka Dawladda Somalia ee la sheegay inuu ku safray Musharax Cabdiraxmaan Cirro.

Hase yeeshee, weriyeyaal ka tirsan Wargeyska Saxafi oo ilo kala duwan ka helay warkan, isla markaana daba-gal ku sameeyay, iskuna dayey inay masuuliyiinta qaarkood wax ka weydiiyaan ayaanay u suurto gelin inay jawaab ah ka helaan masuuliyiintaas, balse tibaaxo dheeraad ah oo ay warkan ka heleen ayaa sheegaya in Baasaboorka Dawladda Somalia ee uu Musharaxa WADDANI ku dhoofay maalintii Jimcaha uu ahaa mid laga bixiyey ama looga soo sameeyay magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Puntland, kaas oo uu guddoomiyaha WADDANI ku dalbaday fiisaha gudashada Xajka iyo intuu ka mid noqdo xujaajta Baasaboorka Dawladda Federaalka Somalia ku soo gudanaysa Xajka sannadkan.

Inkastoo xujaajta Somaliland ka soo gudanaya sannadkan Xajku ay intooda badani ku xajayaan Baasaboorka Somalia, haddana waxay su’aali ka taagan tahay in Cabdiraxmaan Cirro oo labaatan maalmood wax ka yar ahaa mid ka mid ah saddex masuul ee ugu sareeya Somaliland (Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda), haddana ah guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI una taagan inuu ku tartamo jagada ugu sareysa ee Madaxweynaha Somaliland, uu Baasaboorka dawladda Somalia oo ay marar badan dawladda Somaliland ka soo saartay amaro ugu safro dalka Sucuudiga Carabiya, isagoo la ogyahay in Cabdiraxmaan haysto Baasaboorka Finland oo uu hore ugu noolaan jiray.

Sidoo kale waxay su’aali ka taagan tahay sababta Laamaha Socdaalka Somaliland uga ogolaadeen Cabdiraxmaan Cirro inuu Madaarka Hargeysa kaga baxo Baasaboorka dawladda Federaalka Somalia, iyadoo dhawr bilood ka hor xukuumadda Somaliland u diiday siyaasiga Ismaaciil Buubaa oo isla xisbiga WADDANI ka tirsani uu Madaarka Hargeysa kaga dhoofo Baasaboorka dawladda Somalia.

Arrintan ayaa waxay sidoo kale xoojinaysay warar aan hore loo xaqiijin balse si aad ah laysula dhexmarayey oo sheegayay in Musharaxa WADDANI Cabdiraxmaan Cirro iyo madax kale oo badan oo ka tirsan xisbiga WADDANI ay dabayaaqadii bishii Barakaysnayd ee Ramadaan ay Cumradda ku tageen Baasaboorka Somalia iyadoo wakhtigaas lafteeda ay soo baxayeen warar sheegay in kharashka ay ku tageen Cumradda laftiisa ay ka bixisay dawladda Federaalka Somalia.

Lama garanayo sababta rasmiga ah ee ku keliftay Guddoomiye Cirro inuu ku safro Baasaboorka dawladda Somalia oo ah dawlad inkirsan Somaliland kuna doodaysa inay tahay gobol ka mid ah, isagoo la ogyahay inuu haysto Baasaboorka dalka Finland oo wakhtigii hore uu ku noolaan jiray.

Inkastoo aanay dambi ahayn in masuul Somaliland ahi Baasaboor dal kale ku dhoofo, maadaama Baasaboorka Somaliland aanay ogolayn inta badan dalalka dunidu, haddana waxaan hore u dhicin in masuul Somaliland ka tirsan muxaafid iyo Mucaaridba ay ku dhoofaan Baasaboorka Somalia, maadaama ay dawladda Somalia cadow u tahay jiritaanka Somaliland oo ay ku doodayso inay tahay gobol iyada ka mid ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.