WorldRemitAds

Cabdiweli Fidmada Faro Gubasho Mooyee Faa’iido Kama Helo. Sidii hore looga bartay Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay inay ku duullayaan Jamhuuriyadda Somaliland, waxase aan su’aali ka taagnayn inay dabarsan doonaan durbaannada colaadeed ee ay joogtada u garaacayeen siddeedii bilood ee la soo dhaafay, mana mahadin doonaan guluf kasta oo ay ku soo qaadaan ciidammada qaranka ee dhufayska adag kaga jira deegaannada Tukaraq ee gobolka Sool iyo soohdimaha mucayinka ah ee Somaliland oo dhan.

Wasiirrada Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) iyo Cabdilaahi Cali Timacadde, ayaa Axaddii shalay warbaahinta la soo fadhiistay hanjabaad ay ka muuqatay quus iyo qarracan siyaasadeed, iyagoo ku muusanaabay in “dagaal lama huraan u yahay” inta Somaliland ku noqonayso deegaanka Oog, taasi oo ah riyo maalmeed aan u rumoobi karin!

SomlegalAds

Jamhuuriyadda Somaliland waxay hadda iyo horeba u caddaysay inay mudnaanta kowaad siinayso inay nabad iyo iskaashi kula naalooto jaarkeeda, hase ahaatee aanay ka baaqsanaynin inay ciiddeeda ka hirto cid kasta oo ku soo xadgudbta.

Waxa nasiib wanaag ah in dalalka mandaqadda ay marag ka yihiin dagaalka ay sarajoogga ku shaaciyeen Maamulka Cabdiweli Gaas oo dhabarka u jeediyey isku-day qarammada midoobay ku dhacsiinayeen in xiisadda Somaliland iyo Soomaaliya u dhexaysa lagu furdaamiyo hannaan nabadeed oo wadahadal ku dhisan, taasi oo ay Somaliland dhinaceeda si buuxda u aqbashay ergadaas caalamiga ah.

Dagaalka Somaliland iyo Puntland:

Waxa hore loogu soo joogay in muddadii u dhexaysay Bilihii December iyo January ee la soo dhaafay maaleeshiyaadka Garoowe ay Somaliland ku soo xadgudbeen in ka badan labaatan jeer, waxase ay Somaliland xeerinaysay nabad jacaylka ay ku soo caano-maashay, balse waxay weerarkii u dambeeyey ee fool ka fool ah ku soo qaadeen ciidammada Somaliland 24kii Bishii May 2018, oo ay kala kulmeen farogubasho ay ka naasnaasiyeen, iyadoo si weyn adhaxda looga kala ridday taliskoodii, waxaanu fadalkii ciidankoodu afka saaray duleedka Garoowe.

Saddex illaa afar jeer oo ay Somaliland iyo Puntland is haleeleen taariikhda kuma jirto dharaar maleeshiyada Garoowe ay guul kala hoyatay furimahaas.

Cabdiweli muxuu ka Taransanayaa dagaalka:

Waxa dadka siyaasadda la socda ee reer Puntland ay aaminsan yihiin in maamulkoodu saqiiray amni iyo cuddudba muddadii uu hoggaaminayey Mr. Gaas oo dagaalka Tukaraq ka dhigtay qorshaha kaliya ee cimri dherer u noqon kara, markii baarlamaanka maamulkaasi ay dhowaan bayaamiyeen in 8-da bisha March ee kal-dambe ay qabsoomi doonto doorashadii madaxtinimada maamulkaasi, ayuu Cabdiweli ka qarmi waayey in jidka uu miciinsan karaa yahay dagaal uu la galo Somaliland.

Somaliland Maxaa u furan:

Soomaalidu waxay maahmaahdaa “Ninkii soo joog laga waayo soo jiifso ayaa laga helaa.”, Diblomaasiyan dawladda Somaliland way ka guulaysatay maamulka Soomaaliya, maadaama ay aqbashay ergadii caalamka ee waanwaanta waday, waxaana la gudboon inay dhufayska adkaystaan si ay dacar u leefsiiyaan maamulka Garoowe oo ee colaada ula soo bu’aya, waxaanu madaxweyne Muuse Biixi uu ciyaaray xeelad diblomaasiyadeed oo ay ka muuqato waayo-aragnimada uu dheer yahay madaxda Soomaaliya oo siyaasadda ku ah layli aan gaadiidin.

Ugu dambayn, waxaan ku soo gabogabaynayaa Cabdiweli Fidmaduu wado faro-gubasho mooyee faa’iido kama helo.

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.