WorldRemitAds

Garoowe, Somalia, July 26, 2018 (Saxafi) – Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa shalay kulamo la qaatay qaar ka tirsan Salaadiinta dhaqanka iyo xubno siyaasiyiin ah oo  u sharaxan Doorashada Puntland ka dib markii sidda la sheegay Cabdiweli Gaas ku war geliyay beesha caalamku in dagaalka Tukaraq ay dabada ka waddaan odayada dhaqanku.

Keating ayaa kullanka uu la yeeshay odey dhaqameedka wararka laga hellay waxaa ay sheegayaan inay u sheegeen mowqifkooda ku aadan colaada Tukaraq iyagoo xusey iney ku doodeen in Nabada ay ka horeyso in Somaliland ka baxdo deegaanada Sool oo ay xuduudka beelaha eegto sidda ay ku doodeen.

SomlegalAds

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka tirsan madaxda dhaqanku ay Cadho kaga baxeen shirka gaar ahaan Garaad Saleebaan oo ka soo jeeda beelaha daga gobolka Sool, ka dib markii lagu war geliyay arragtida beesha caalamku in aanay ku dhisnayn qabyaalad.

Keating oo dhinaca kale kulan la qaatey qayb ka tirsan musharaxiinta xilka Madaxweynaha Doorashada Puntland ayaa sida la sheegay waxaa ay iyana u dhiibeen mowqifkooda ku aadan dagaalka Tukaraq.

“Waxaan u dhiibney qoraal aan hore uga soo saarney mowqifkeena ku aadan colaada Tukaraq…iyo in aanu qabno in xal nabadeed laga gaadho coladaan iyadoo tixgalinta weyn la siinayo dadka degan degaanadaas lana waydiinayo aayahooda.” sidaas waxaa Garowe Online u sheegey mid kamid ah siyasiyiintaan oo kula hadlay khadka taleefanka.

Dhinaca kale Siyaasiyiintan ayaa kala hadlay Keating in sida ka soo baxdey kulankii Brussels Doorashada maamul goboleedka Puntland ee Somalia ay tahay in waqtigeeda la qabto qodobkaas oo uu hore uga dhawaajiyey Madaxweyne Cabdiweli Gaas balse ay dhiman yihiin talaabooyin muhiim ah kuwasoo kala ah; Barlamanka oo Kalfadhigiisu inta aanu dhamaan soo saara waraaq lifaaq ah taasoo la wafaajnayo Dastuurka Puntland nooca doorasho ee la galayo iyo in Gaas magacaabo gudigii Doorashada.

Dhinaca kale Keating oo la hadlay siyaasiyiintan ayaa sheegey in mowqif-yada dagaalka Tukaraq xubanaha uu la kulmay iyo Madaxweynaha uu ogaaday.

Keating ayaa dhinaca kale xusey in Qaramada Midoobey weli ku taagan tahay fulinta Afartii qodob ee ay madaxda labada maamul hore isula gaadheen ee ay ugu mudnayd xabbad joojintu.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.