WorldRemitAds

Garoowe, Somalia, June 30, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee Somalia ayaa cabsi ka muujiyey ciidan beeleed Qardho dhowaan kaga soo biirey maleeshiyaad beeleed hanaan qabali ah loogu soo ururuiyay deegaanka Tukaraq ee Somaliland oo ay Colaadi ka taagan tahay.

Kulan golaha maamulka Puntland isugu yimadeen maalintii Khamiistii ayaa Madaxweyne Maamulkaas Cabdiweli Gaas Wasiiradiisa ka soo jeeda gobolkaas u sheegey in ciidamadii ka socda magaalada Qardho ee aagga Tukaraq la geeyay ahaayeen kuwo dano gaar ah laga leeyahay.

SomlegalAds

Sida uu sheegay war laga baahiyay idaacada Garoowe, Gaas ayaa si gaar ah cabasho ugu gudbiyey Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo agaasimaha guud ee Wasaarada arrimaha gudaha, kuwaas oo uu sheegay dareenka uu ka qabo imaanshaha ciidankan.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdillaahi Sheekh Axmad oo ka hadlay kulanka golaha ayaa Cabdi Gaas u sheegey in ciidamadan dawladu ka codsatey beelaha degan gobolkaas islamarkaana aanay aheyn kuwo dano gaar ah laga leeyahay.

Maamul goboleedka Puntland oo aan lahayn ciiddamo isku dhaf ah oo qaran ayaa beelaha deegaankaas ka dalbaday in beel waliba ciidan keento aaga Tukaraq si ay uga qay-galaan dagaal maamulkaasi ka waddo aagaas, Islamarkaana ay ula dagaalamaan Ciidamada Somaliland. Waxaana todobaadyadii ugu danbeeyay beelaha Puntland ku soo ururinayeen aaga Tukaraq maleeshiyo beeleed aan isla haysan. Cabdiweli Gaas oo marka hore dalbaday ciidamadan ayaa loo arkay in maleeshiyaankan uu dagaalkan gelinayo ku raadinayo in mudada xil haynta oo ka dhamaanaysa hadda loo kordhiyo.

Hase ahaatee sida Idaacada Gorowe ku warantay Cabsida uga weyn ee Madaxweyne Gaas muujinayo ayaa ah xiligan in jiida Tukaraq ay isugu yimaadana ciidamo beeleedyo aan isaga ka amar qaadan kuwaas oo ay suurtagal tahay inay ka hor-yimadaan hadii uu ku dhawaaqo korodhsiimada sharci darada ah ee uu qorsheynayo.

Dhinaca kale wararka la xaqiijiyey ayaa sheegaya in Gaas ka cago jiidayo in dagaalka Tukaraq xal nabadeed iyo mid dagaal mid uun uu ku dhamaato tan iyo inta qorshihiisa korodhsiimada uu meel marayo. ”Siyaasiyiinta iyo qaar ka tirsan odayaasha gobolka Sool ee ololaha ugu jira in waqti loogu daro Xilli madaxeedka Cabdiweli Gaas waxaanay ogeyn in talabadan sharci darada ahi ay khalkhal ku keeneyso midnimada shacabka ku midoobey maamulkan.” Sidaas waxaa Garowe u sheegey siyaasi ku sugan magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Cabsida Madaxweyne Gaas ka muujiyey ciidan beeleedka ka yimi Qardho ayaa sidoo kale waxaa sabab u ah, maadaama qaar kamid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha maamulkaas u taagani ay kasoo jeedaan degaanadaas.

Puntland ayaa sanadihii u dhexeeyey 2000-2003 waxaa ka dhacey dagaalo ka dib markii Madaxweynihii xilka hayey waqtigaas sameeyey mudo kordhin. In kasta oo dagaaladaas Somaliland ka odayaysay Islamarkaana qayb ka qaadatay soo afjarida dagaalkaas.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.