WorldRemitAds

Cadyahaw Ku Cunay Ama Ku Ciideeyey – Faallo: Maxamed Cumar Sheekh

Mid ka mid ah beelaha dhexe ee miisaanka ku leh dalka Somaliland ayaa dhawaan shir ugu dhammaaday Buurta Gacanlibaax ee Bariga ka xigta Magaalada Hargeysa.

SomlegalAds

Shirweynahan oo muddaba gudaha iyo debedda abaabulkiisu beelahaasi u socday ayaa aakhirataankiina bilowgii bishan lagu soo gebegebeeyey Buurtaasi, isagoo ay ka soo baxeen go’aammo guud ahaanba cid kastoo jecel dawladnimada iyo qarannimadeedaba kana farxiyey cid kasta oo cadow ku ah, mana jirto cid ka tirsan xukuumadda iyo siyaasiyiinta dalka oo shirweynaha beeshaasi ceebaysay ama ka hor timi qabashadiisa.

In kastoo shirweynahani ahaa mid markii hore loogu yeedhay inuu yahay mid hoggaamiyayaasha dhaqanka ee beeshaasi loogu talo galay, hase eeshee waxa uu markii dambe u muuqday mid isu beddelay shir beeleed Siyaasadeed, isla markaana aan ka muuqdeen badi madaxda sare ee xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani,  waxana lagu casuumay xidhitaankiisii, madax dhaqmeedyada beelaha taageerada siiya xisbigaasi ee ku kala baahsan daafaha dalka laga bilaabo Sool ilaa Saylac, waxana shirweynahaasi laga fogeeyey ama aan lagu casuumin madax dhaqameedyada beelaha loo tirinayo inay wakhtigan hayaan hoggaaminta dalka ama taageerada siiya xukuumadda maanta .

Beelweyntan Garxajis oo lagu tiriyo inay ka mid ahaayeen beelihii dagaalka u soo galay dib u xoreynta Somaliland, dad badanina kaga dhinteen ayaa dawladda iyo shicibka Somaliland soo dhaweeyeen shirweynaha beeshaasi, looguna ixtiraamay xaqa ay u leeyihiin inay u shiri karaan danahooda  iyo midnimadooda, iyadoo dhinaca kalena badi dadweynaha iyo dawladda Somaliland shirweynahaasi ka aaminsanaayeen inaanay marnaba ka soo baxayn wax liddi ku ah qarannimada dalka iyo jiritaankiisa, hase yeeshee marka la eego nuxurka go’aamada shirweynahaasi ka soo baxay, waxay amaakaag ku rideen cid kastoo aaminsanayd dawladnimada dalka.

Qodobada shirkaasi oo u badnaa kuwa siyaasad ku salaysan ayaa uun cid kastaa aragtay inay salka ku hayaan doorashooyinkii dalka ka dhacay sannadkii hore ee xisbiga Kulmiye loogu dhiibay kursiga ugu sarreeya dalkan markii labaad, waxana muuqata inaan xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani aanu weli ka hadhin kursigaasi, mar kastana ama shirweynahanna ku soo bandhigay cadhada uu weli u qabo xisbiga Kulmiye, dawladdiisa iyo madaxweynihiisaba.

Qodobada shirweynaha beelahaasi ka soo baxay ayaa qaarkood marka loo dhabbo galo u muuqdaan kuwa lagu muujinayo inaan dalkani sii jirayn haddii tooda loo yeeli waayo. Somaliland oo aan maanta ognahay dagaalada kaga socda dhinac kasta, haba ugu horreeyaan kuwa siyaasadda iyo kuwa dhaqaalaha marka lagu daro dagaalka Tukaraq ayaad dhinaca kale mooddaa in go’aanada ka soo baxaya shirweynaha beeshani uu lugta u sii qabanayo cadow badan, iyadoo aad moodaysay in siyaasiyiintii iyo hoggaamiye dhaqameedyadii shirweynahaasi ka hadashay u muuqdeen kuwa aan ku talo gelin ama ka quustay inay dalkan mar uun xukumaan ama aan ku talogelin inay doorashooyin kale oo dalka ka dhaca mustaqbalka ka rajo dhigeen, sidaa darteedna go’aamada ka soo baxay u ekaayeen murtida ah “Cadyahaw ama ku cunay ama ku ciideeyey” taas oo loo fasiran karo  “Muuse Biixiyoow kursiga nooga kac ama dalkan xukumi maysid” taladaas oo  guuldarro ku ah halgankii loo soo maray madaxbanaanida dalka Somaliland iyo Dimuqraadiyadiisaba.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.