WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, March 6, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha Saddexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Gurey, ayaa sheegay in golaha wakiiladdu laaleen xeerkii lagu soo dooran lahaa kuwii iyaga bedeli lahaa, isla markaanna ay gabood ka dhiganayeen muddo kordhin kale.

Sidoo kale, Cali Gurey wuxuu sheegay in aanu jirin Madaxweyne u hiilaya dadkiisa oo kala dira Golahan.
Cali Gurey wuxuu sidan ku sheegay qoraal uu ku baahiyay boggiisa Facebook-ga, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:
“Sheekadan anigu hore ayaan uga hadlay. Waxa ugu dambeeyay maqaalkan toban sanadood markii ay dhamaysteen ee laba sanno ku dhawaad kale u bilaabmay ee Kalfadhigoodii ay gebi ahaanba ka saareen Xeerkii lagu soo dooran lahaa kuwii iyaga bedelayay ajandihii kalfadhigii golaha. Taas oo markaaba la iska arkayay inay ahayd xeelad kale oo gabood looga dhiganayay muddo kordhin kale hadii ay u marayso.
Tan kale, waxay ku xisaabtamayaan in aanu jirin Madaxweyne diyaar u ah inuu dadkiisa u hiiliyo oo gebi ahaanba kala dira golahan faasidka ah ee aan shacbigii doortay ka xishoonayn.”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.