WorldRemitAds

Saameel, Somaliland, November 15, 2015 (Saxafi) – Siyaasi Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay in marka maamulka Puntland cid is qabtaan ay dadka ku beerlaxowsadaan qabyaalad, balse ay isla dadka ay qabyaaladda ku kaxaysato laynayso.

Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in aan la isku halayn Karin maamulka Puntlnad ee reerka kaliya isku koobay, kuwaasoo uu ku eedeeyay inay dantooda ku fushaddaan oo iskugu yeedhaan Daarood. Waxa uu ku hanjabay inaanay cidna nabad ka baryaynin, isagoo sheegay in ciidamada reer Puntland dul hoganayaan deggaannada uu ka soo jeedo, islamarkaana uu ka shakisan yahay gogosha ay fidiyeen. Wuxuu sheegay in qaddiyadda Daaroodiyada ay u soo joogsadeen bulshada ku nool Kismaayo, balse aanay waxba ka soo naaso caddayn.

Cali Khaliif Galaydh“Intay Umaddii xasuuqeen ayay haddana waa wareey, yaa Daaroodaay yidhaahdeen, markaasuu Daarood muushuu jirayba iskaga yimid khaasatan qolyaha reer Kismaayo. Magaalooyinka Sool iyo Sanaag, magaalada Boocame wiigii u dambeeyay ciidamadoodii waa dul tuban yihiin,” ayaa uu yidhi Cali Khaliif.

SomlegalAds

Cali Khaliif Galaydh ayaa maamulkaasi ku eedeeyey inay wax isku ahaanshiyaha ka door bidaan dantoodda gaarka ah, taasina aanay suurogal ahayn inay ku raacaan maadaama oo ay mar walba dadkooda sabab la’aan ugu soo duulayaan. Waxaa uu ugu baaqay inay joojiyaan weerar uu sheegay inay ku yihiin deegaano ka mid ah Bariga Somaliland oo uu ugu yeedhay Khaatumo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.