WorldRemitAds

Waxaa jira dad u qalma inta dunida la gu uuman yahay oo dhan in magacoodu jiro oo dahab ku xardhanaado. Taa la gu ma helo nasiib, wax ay se ku timaaddaa qofnimo leh dadnimo aad u sarraysa, dhinac ama dhinacyo nolosha ka mid ah. Cantarah bin Shidaad, loona yaqaan Cantar, baa dadkaa ka mid ahaa.
Xilli ku qiyaasan 525 ee Miilaadiga ayuu ku dhashay gobolka Najid oo ka tirsan dalka Carbeed ee maanta Sacuudiga loo yaqaan. Waxaa is ka dhalay hooyo reer Geeska Afrika ah oo la gu qafaashay safar ay la socotay oo qabiil Carbeed weeraray, oo Sabiiba la odhan jiray, iyo Shidaad oo ka dhashay qabiil dagaal badnaa oo la gu magacaabo reer Cabsi. Wax uu ahaa aabbe aad iyo aad u dabci qallafsan una arxan daran, sidaa darteed wiilkiisa wax uu ka dhigtay addoon.
Cantarah Bin Shidaad ama Cantar isaga oo yar oo addoon ah ayuu yeeshay sifooyin badan oo mudhbaxnimo ah. Wax uu noqday qof dhiirran, karti badan, codkar ah, laf iyo laxaad loo dhammeeyay, oo u madow sidii hooyadii. Firfircoonida iyo dhiirranida badani wax ay soo jiideen addoonkaa yar in isaga oo weli carruur ah aad loo ga sheegto. Taasina markeeda wax ay keentay in aabbihiisii axmaqa ahaa goor walba aad u garaaco oo jidh ahaan iyo naf ahaanba dhibaateeyo. Intaana wax uu qabay cayda, quudhsiga iyo bahdilaadda qoyskooda iyo bulshadii Carbeed ee dhan walba jaahilayada ahayd. Laakiin wax uu noqday dheemman aan abuurtiisa adag wax jebin karaa jirin. Dheemman.
Wax ay socotaba, Cantar oo barbaar ah waxaa qoladooda ku soo baxay duullaan ay ku soo qaadday qolo ay col ahaayeen. Aabbihii baa dabadeed amray in uu dagaalka la galo, jawaabtiisuna wax ay noqotay, aabbow, addoon dagaal ma galo. Waan ku xoreeyay haddii aad dagaalka na la gashid, ayay noqotay bushaarada ku dhacday dhegaha Cantar oo ah dhawaaqii u gu weynaa ee uu abidkii maqlay ama maqli lahaa. Waa ilbidhiqsigii iyo barbilowgii isbeddelka noloshiisii dheerayd ee ashqaraarka iyo weynanka badnayd.
Maalintaa uu xoroobay ka dib Cantarah Bin Shidaad ama Cantar wax uu noqday ninka kowaad iyo xiddigga Jasiiradda Carabta u gu magac dheer ee la isu sheego. Wax uu noqday geesi ay ninka iyo boqolku isu gu mid u yihiin, seeftiisuna ragga ninba ka uu ka caansan yahay dhiggiisa ku maydhato. Wax uu noqday gabyaaga gabyaa oo dhami gabay u ga hadhay shisheeye iyo sokeeyaba. Wax uu noqday filasoof murtida tixdiisu qalbiga iyo maskaxda aadanaha sida laxaamadda u gu dhegto oo aanay weligeed ka fuqin. Wax uu noqday nin Ilaahay u gu deeqay laxaad jidheed, dad iyo degaan xilligaa muruqu aad muhiim u ahaa. Wax uu noqday nin aad u garasho badan, ilaa la ga sheegay geesinnimadiisa qudheeda in uu ku macneeyay maskax iyo xeelad sare oo uu adeegsado.
Intaas oo dhan ka hor iyo ka dib wax uu noqday qof gob ah oo hankiisa iyo qabkiisu cirka ku xidhan yihiin. Midabkiisii madoobaa iyo addoonnimada isaga iyo hooyadii ku dhacday ee la gu xaqirayay ayuu gabaygiisa cajabta leh u adeegsaday oo ku faanay oo sarraysiiyay. Wax uu naftiisa iyo noloshiisa, dhaqankiisa iyo dhihiddiisaba ka xarrimay, arrin iyo anshax kasta oo aan ahayn gobannimo iyo sarrayn. In uu cisi iyo faan ku waaro iyo in uu naftiisa gunnimo ku silci lahayd huro ayuu ka dhigtay mabda aan tanaasul lahayn.
Wax uu jeclaaday ina adeertii Cabla oo taariikhdu sheegtay in ay ahayd hablaha beesha ta la ga eegto, hayeeshee aabbeheed oo madownimada ku quudhsanaya ayaa u ga xilo furay. Wax ay se socoto oo uu gabadhaa helisteeda u halgamo, wax uu kun xujo oo loo gu quusgoynayo oo midaba ta kale ka adag tahay ka soo baxaba, u gu dambayn Cabla laabtiisa ayuu ku hubsaday oo marwadiisa ayay noqotay. Helista Cabla halganka kulul ee uu galay in aanay jacayl qudha ka ahayn ee ka ahayd mabda uu ku duminayay iskuday wal oo quudhsi iyo takoor ah iyo korraysiinta naftiisa waxaa caddayn u ah, gabadhaa markii la siiyay ee uu lix bilood oo keliya qabay ayuu mid kale la guursaday, iyo kuwo dambeba. Waana tilmaan kale oo muujinaysa ninkaa sarrayntiisa, hankiisa, kartidiisa iyo adayggiisa.
Qofna goortiisa ma dhaafo, fulaha iyo geesigana wadku wuu u siman yahay, sidii uu Cantarah Bin Shidaad isaguba gabaygiisa ku falsafadeeyay. Waxii uu goor iyo ayaan dagaal u taagnaa ku ma dhiman cimrigiisuna wuu dheeraaday, wax uuna gaadhay inta u dhaxaysa 80-90 jir. Aad loo ma hubo sida uu u dhintay, wax ay se taariikhda u gu badani sheegtaa in uu isaga oo sidaa u gaboobay dagaal ku dhaawacmay dabadeed dhaawacii u dhintay. Waa bilawgii sannadihii Diinta Islaamku ka soo baxday Maka, laakiin la ma sheegin isaga iyo Rasuulku in ay kulmeen.
Cantarah Bin Shidaad ama Cantar bin Shidaad wax uu u qalmaa in uu aadamiga oo dhan u noqdo astaanta xornimada iyo u halgankeeda, sida ay u wanaagsan tahay ninkaa in aynnu kaalin ka siinno suugaanta iyo taarikhdeenna.
Labadan tuduc oo ka ka la tirsan laba tixood wax uu ka ga wada hadlayaa madownimada isaga iyo hooyadii iyo addoonnimadii uu soo maray in aanay waxba u dhimi karin ninka sarreeya ee uu yahay, sidaana uu ku doortay in uu ama cisi ku noolaado ama dhinto. Wax uu lee yahay “ha i gu waraabin biyaha nolosha weelka gunnimada, laakiin i gu waraabi gobannimada weelka dhunkaasha. Biyaha nolosha ee gunnimada lihi waa tabta cadaabta, cadaabta cisiga lihina waa guriga u gu barwaaqaysan”.


Follow us on Facebook

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.