WorldRemitAds

Urur xuquuqda carruurta u ololeeya oo ka jira dalka Hindiya ayaa soo bandhigay laba carruur ah oo ay sheegeen inay ka soo badbaadiyeen, xaalado qalafsan oo ay ku noolaayeen labadan carruurta ah ee aadka da’doodu u yar tahay.

Ururkan oo lagu magacaabo, Vikas Santhian Foundation For Child Welfare ayaa sheegay in labadan carruurta ah oo wiilal ah ay kala yihiin shan jir iyo 11-jir kuwaas oo ay heleen, iyagoo xoolo lagu dhex xidhay loogana dhaartay inay wax bartaan ama la geeyo goobaha ubadka lagu xanaaneeyo.

Omish waa shan jir ay Ayeeydii ku xidhay xerada lo’da waxaanu muddo labo sano ku dhow la noola neef sac ah oo islaantani dhaqato, waxaana taas ugu wacan ka dib markii sida Ayeeydii ku doodayso uu qal qaali noqday ee ay ka cabsootay inuu lumo oo ay dib u arki waydo.

SomlegalAds

Islaanta Ayeeyda u ah ilmahan yar ee Omish lagu magacaabo oo shan jir da’diisu tahay ayaa sheegtay in wiilkan yari, isagoo caadi ah uu soo dhashay, ka dibna waalidkii dhalay ay labaduba mar wada dhinteen ka dib markii uu ku dhacay xanuunka AIDS-ku sidaa darteed uu wiilkan yari xanuunsaday sidaana ku dayacmay.

Wiilkan yar ayaa baadhitaan lagu sameeyay cadeeyay in aanu qabin xanuunka halista ah ee waalidkii u dhintay, hasa yeeshee waxa ku dhacay dayac badan, oo wax ka badalay xaaladiisa nololed waxaana looga baqayaa in xanuun dhimirka ka haleelo oo uu sidaa ku waasho.

Ilmaha kale oo 11-jirka da’diisu tahay ayaa isna la soo badbaadiyay isagoo ku xidhan geedh wayn, halkaas oo dadka jaarku ay wax ugu gayn jireen mararka qaarkoodna aad waxba cuni jirin, wiilkan yar ayaa naafo noqday oo xaaladiisu halis ku jirtay, waxaanay kooxdan badbaadisay warbaahinta ku baahisay muuqaalkiisa oo ay waalidkii dhalay ku dalbanayaan in cadaalada la hor keeno.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.