WorldRemitAds

Waxa jira sheekooyin ku saabsan carruurta aadka u da’da yar oo haddii aad qaarkood akhrisato aad moodayso in la matalay ama sida aad ku rumaysataa kugu adkaanayso, waayo? Waa kuwo xambaarsan aragti iyo dareen aad uga fog heerka aynu ubadka ka rumaysan nahay, inta badan qisooyinka aan sida gaarka ah diirada u saari doono waa kuwo dhex maray carruur aad u da’ yar iyo hogaamiyaal kala duwan oo dunida soo maray.

Carruurta Aadka U Da’da Yar Ee Ka Yaabisay Hoggaamiyeyaasha Dunida Tusaale ahaan qormadeenan maanta oo aynu ku soo qaadan doono, wiil shan ilaa lix jir da’diisa lagu qiyaasay oo ka ka yaabiyay Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, oo booqanayay dad dhibaato ka soo gaadhay duufaano dalkaa ka dhacay, oo goob macbad diinta Kiristaanka ah ku sugan, waxaanu wiilkan yari gabi ahaanba dhinaca kale u badalay dhacdadii meesha ka jirtay iyo socdaalkii Madaxweynaha.

SomlegalAds

Waar baahinta dunida ayaa intooda badan ka waramay sheeko dhex martay wiilkaa yar iyo Madaxweynaha Ruushka Putin, waxaanay telefishanka dalkaa ugu wayn ee Russian Today ay ku baahiyay shabakadaha xidhiidhka bulshada, muuqaal ku saabsan wiilkaas yar oo ku kalifay Madaxweyne Putin in uu muddo shan daqiiqo gaadhaysa u taagnaado.

Wiilkan yar ayaa sida turjimid laga bixiyay hadalkiisu muujinayso, madaxweynaha Ruushku markii uu waydiiyay xaaladooda iyo wixii ka soo gaadhay duufaanada, si deg deg ah ugu yidhi, “Maan Baqayn, Manaan Ooyin”, ka dibna waxa uu raaciyay hadalo ama kalmado koob kooban.

Markii uu hadalka dhamaystay wiilkan yar ayuu Putin ku yidhi, waad mahadsan tahay, waxaad iigu warantay sidii dadka waaweyn oo kale, ka dibna wiilkaas yar ayaa madaxa lulay isaga oo u muujiyay mahad naq.

Wiilkan yar ayaa noqday qofkii ama muuqaalkii ugu muhiimsanaa ee laga qaaday booqashada iyo kormeerka, dadkaas dhibtu ka soo gaadhay duufaanada ka dhacay bariga fog ee dalkaas, waxa kale oo intii uu Putin ku guda jiray, kormeerkaas waxa uu xog waraysi gaar gaar ah la yeeshay dadka dhibaatadu soo gaadhay kuwaas oo uu u balan qaaday in si deg deg ah dhibaatada soo gaadhay wax looga qaban doono.

Dadweynaha Ruushka oo badankoodu jecel madaxweynahooda ayaa laga maqlayay iyagoo u mahad naqaya, isla markaana tilmaamaya sida ay macnawiyan dareenkoodu isku badalay ee ay dhibaatadii ugu ilaaween markii ay arkeen madaxweynihii oo la jooga isla markaana marar kala duwan ku soo noq noqonaya iyo mucaawinadii uu amray soo si wanaagsan u socota.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.