WorldRemitAds

Baadhitaan lagu ogaanayay heerka ay gaadhsiisan yihiin, caqliga iyo fikirka carruurta da’doodu ka yar tahay 7-jirka, ayaa natiijadii ka soo baxday ay noqotay, mid aad uga fog heerka laga aaminsan yahay iyo sida loo haysto fikirka iyo Garaadka carruurtu.

Khabiiradda cilmi nafsiga ee baadhitaankan samaynayay oo sidoo kale aqoon gaar ah u leh dabeecadaha iyo habdhaqanka aadamaha ayaa sidoo kale cadeeyay in dareenadda iyo jawaabta maskax ahaan ay carruurta da’doodu yar tahay ka bixin karaan waxyaabaha ku wareegsan ay la mid tahay ama u dhiganto, ta dadka waaweyn ee da’ ahaan dhinaca maskaxda koriinkoodu buuxsamay loo aaminsan yahay marka cimriga dadku gaadho (40-jir).

SomlegalAds

Sida deraasadan lagu sheegay, ubadka da’doodu aadka u yar tahay kama fikiraan oo kaliya sida waalidka iyo dadka ka waaweyni u haystaan, naftooda iyo baahidooda gaarka ah balse ay ka fikiri karaan, kana talin karaan waxyaabaha iyo xaaladdaha ku gadaaman.

Deraasad caafimaad oo lagu baahiyay wargeyska ka faalooda cilmi nafsiga qaybta dhalaanka ayaa si cad u muujinaysa in caruurtu caqli ahaan taam noqdaan marka da’doodu marayso afar ilaa saddex jirka.

Sida warbixintan lagu iftiimiyay ubadku waxay awood u leeyihiin iyagoo da’doodu ka yar tahay shan jir inay xalin karaan, isla markaana si buuxda uga baaran dagi karaan, wixii xaalad ah ee la soo dersa, una soo af-meeri karaan si la mid ah, habka dadka waaweyni u xaliyaan dhibaatooyinka.

Carruurta Oo La Ogaaday Inay Ka Caqli Badan Yihiin Sida Loo HaystoWakhtiga dhalaan-nimadda ay ku jirto caruurtu gaar ahaan sanadaha ugu horeeya ee noloshooda, waxay awood buuxda u leeyihiin, cabirka iyo soo bandhigista Fikirkooda, Dabeecadooda, waxyaabaha ay aaminsan yihiin iyo sida ay arimo badan u arkaan, nasiib daro laakiin, waalidka iyo dadka ka waaweyni ma siiyaan ahmiyad u qalanta heerkaas, mana aaminsana in xadigaa ay gaadhsiisan tahay Maskaxdoodu.

Haddaba ugu danbayntii khubaradani waxay waalidiinta iyo dadka waaweyn ee caruurta la jooga ku boorinayaan inay tashiga iyo ka arinsiga amuuraha jira ka qayb galiyaan ubadka xitaa hadii ay afar jir yihiin. Dhawr sanadood ka hor Sheekh wayn oo Muslim ah ayaa sheegay in ubadku soo dhashaan iyagoo caqligoodu taam yahay, balse waxa u kordhaa yahay uun waayo aragnimo iyo kala barashada luuqada, diinta iyo degaanka. Sheekhan ayaa iftiimiyay in aan Alle (SW) abuurin wax kala dhiman ee uu taam yeelay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.