WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, November 22, 2015 (Saxafi) – Ururka maxalliga ah ee AYODA ayaa shalay   funaanadaha dhaxanta Boorama ugu qaybiyey tobnannaan ka mid ah carruurta derbijiifka ah ee ku dayacan magaaladaas.

BooramaSida uu ku soo waramay Wariyaha Saxafi ee gobolkaasi, Qaybinta funaanadahan oo lagu beegay xuska maalinta carruurta adduunka kuna beegan 21 November ayaa xaflad Boorama loogu qabtay waxaa ka soo qayb galay, Guddoomiyaha dalladda ururada dhallinyarada Soomaaliland, madaxda ururka AYODA, Masuulyiin dawladeed, dadweyne iyo dhallinyaro, waxana munaasabaddan lagaga hadlay sida loogu baahanyahay in loo daryeelo ubadka ku dayacan magaalooyinka iyo miyigaba iyo sidii gacan looga siin lahaa duruufaha nololeed ee haysta.

Waxa kale, oo munaasabaddan lagu soo hadal-qaadaay tacaddiyada ka dhanka ah ubadka iyo sidii loogu wacyigelin lahaa in waalidiintu ka warhayaan ubadkooda wakhtiyada ay fasaxa yihiin.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.