WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 1, 2015 (Saxafi) – Carwadii 7aad ee ganacsiga Somaliland oo ganacsataddu adeegyo kala gadisan lagu soo bandhigay ayaa shalay lagu qabtay hoolka weyn ee hoteel Guuleed ee magaaladda Hargeysa.

IMG_0539(1).JPGWasiirka Ganacsiga Somaliland Muuse Qaasim ayaa xadhiga ka jaray carwadan 7-aad oo ay ka soo qaybgalleen ganacsatada waaweyn iyo shirkadaho ku soo bandhigay adeegyadda ay bulshadda u hayaan.

Munaasibadda lagu furayey Carwadan ayaa waxa ka soo qaybgallay wasiirka Ganacsiga, Maayarka Caasimadda, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Ganacsto ka Socotay Somaliland, Puntland, Yaman iyo Turkiga.

SomlegalAds

Carwad Gancsiga Somaliland ayaa waxa soo qaban-qaabisay Rugta Ganacsiga Somaliland iyo Shirkada AOA taas oo ganacsatada dhiiri galin u ah in Marwalbab Ganacsigooda Sidii kor loogu qaadi lahaa loogu soo bandhigo.

Shirkadahan qalabkooda iyo adeegyadda bulshadda u hayaan ku soo bandhigay Carwadda ayaa sheegay in mudadda carwadani socoto qiimo dhimis lagu samayn doonno, si ay bulshada ugu adeegaan iyaga oo ka iibinaya adeeg Tayadiisu Sarayo Qiimahiisuna Jaban yahay.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland oo munaasibadda kahadlay ayaa yidhi”Shirkadaha waawayn ee Somaliland ayaa sanadkan iyaguna Door Laxaadle ka qaatay, kuna soo bandhigay adeegyada kala gadisan ee ay Bixiyaan, waxaana laga baranayaa in ganacsataddu is bartaan dadkuna ogaadaan shirkad waliba waxay soo bandhigayso”.

Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Puntland, masuuliyiin ka Socda Dalka Turkiga iyo Yaman ayaa iyaguna Madasha ka hadlay waxa ay bogaadiyeen sida qiimaha badan ee carwadan heerka saraysa loo soo bandhigay, iyaga oo u mahad naqay Sida uu guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Shirkada AOA uga qayb qaateen sidii ay u hir galin lahayd carwadan qiimaha badan ee adeegyada kala gadisan lagu soo bandhigay.

Maayarka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteco ayaa bogaadiyay Ganacsatada Sida heerka Saraysay Madashan uga Soo qayb Galay, waxaana uu ka hadlay sida ganacsatada kor loogu qaadi lahaa waxaana uu yidhi.“waxa muhiim ah in ay Somaliland ku soo kordheen saddexdii Baanba oo iyaguna dalka gaadhsiin doona meel wanaagsan,waxaana ay maal-gashan doonaan dadka iyaga oo deegyo kala gadisana u furi doonaa,maanta carwadani waa mid qiimaheedu sareeyo oo loogu talo galay ganacsiga, Somaliland sanadba sanadka ka danbeeya waxa ay hiigsanaysaa meelaha dunida waxaanan u arkaa in aynu guul gaadhnay.

 “in Markasta carwooyinka la qabtaa waxa ay u wanaagsan tahay ganacsiga, qofkasta waxa uu ku soo bandhigayaa ganacsigiisa isaga oo xor ah,waxaana uu bulshada ugu samaynayaa madashan qiimo jaban oo ka hooseeeya kuwii suuqa,taasina waata carwadan loofuray, waxaana boorinayaa ganacsatada in ay Markasta Ka dadalaan sidii ay u heli lahaayeen Ganacsigana ugu dari lahaayeen,ganacsiga dalka ka soo baxa”ayuu yidhi Muuse Qaasim wasiirka Ganacsiga Somaliland.

Gaba-Gabadii waxa uu Wasiirka,Maayarka iyo Masuuliyiintii Madasha ka soo Qayb Galeen kormeer ku soo mareen Adeegyada kala Gadisan ee Shirkadaha Ganacsigu Carwadan ku soo bandhigeen iyaga oo Ku dhiiri Galiyay Ganacsato Kasta in ay Dadaalka Siiwadaan Si ay dalkana wax ugu soo kordhiyaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.