WorldRemitAds
Waxa maalintii arbacadii todobaadkii hore si rasmi ah cidhifka ugu fog ee waqooyiga dunidda laga furay masaajidkii ugu horeeyay ee laga dhiso dhulka cidhifka ugu shisheeya dunidda, oo ah degaanada sanadka intiisa ugu badan barafku fadhiyo.

Markii la furay masaajidkaa ayaa waxa salaad jamaaco ah ku tukaday tobanaan masuul oo muslimiinta waqooyiga America iyo suxufiyiin muslimiin ah isugu jira. Waxa kale oo furitaanka masaajidkan ka soo qayb galay masuuliyiinta magaalada Yar ee laga dhisay ee Manitoba City oo lagu magacaabo Donny Rogers iyo dad kale oo magac ku leh degaankaas.
Cidhifka WaqooyiMasaajidkan ayaa muslimiin ku dhaqan magaaladaas yar oo tiradoodu dhan tahay 80-qof uu ka furan doonaan ama u sahli doona salaada oo uu markii hore ay ku tukan jireen goob dhisme dusha banaan oo xiliyada jilaalka barafku fadhiisan jiray.
Masaajidkan ayaa ah mid balaadhan waxaanu ka kooban yahay qaybta salaada oo raga iyo dumarka u kala go’an, madbakh iyo maktabad halka lagu wado in lagu daro, qaybo xarun iyo meel ay ku kulmaan u noqota Muslimiinta aagaas ku dhaqan.
Sidoo kale waxa uu leeyahay minaarad aad u dheer oo meelo badan ka soo muuqanaysa.
Dadka ka soo qayb galay furitaanka masaajidkan ee muslimiinta ah oo sida warbaahintu sheegtay uga soo boqoolay degaano kumayaal kilo mitir ka fog goobta laga dhisay masaajidka, kuwaas oo xiiso gaar ah u qabay aadna ugu faraxsanaa in cidhifka dhinaca waqooyi ugu durugsan dunidu yeesho masaajidkii ugu horeeyay ee Edaanku ka baxo afar iyo labaatanka saacadoodba.
Dhulka cidhifka waqooyi waxa markii ugu horaysay laga dhisay masaajid hasa yeeshee waxa goobtaasi ahayd meel ka baxsan qaarada waqooyiga America, taas oo ahayd dalka Denmark, wakaaladaha wararka aduunka ayaa ku tilmaamay dhismaha masaajidkani inay dhamaystirayso ku baahsanaanta masaajidada ee dhamaan dhulka aadamuhu ku beeran yahay dunidda guudkeeda.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.