WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 19, 2012 (Saxafi) – Marwada Madaxweyanaha Somaliland Aamina Waris Sh. Maxamuud Jirde ayaa shalay dib uga furtay Hudheel Guri ay lahaayeen qoys ahaan oo ku yaala badhtamaha Magaalada Hargaysa gaar ahaan dhabarka danbe ee Hudheelka Maaweel.

Goobtan laga furay Hodheelka ayaa la wariyay in labadii maalmood ee aynu ka soo gudubnay ay  teedsanaayeen Ciidamo fara badan oo Booliska Somaliland ka kala tirsan iyo laba Gaadhi oo Ciidamo USP  Booliska ah, kuwaas oo wadada hor marta dadka iyo Gaadiidka maraya ka leexanayay iyadoo mid ka mid ah dadka halkaas laga joojiyay oo Telefoon kala soo hadlay Wariye Saxafi ka tirsan.

Wariyaha booqday Hudheelka Galabnimadii Maalintii Sabtida ee Doraad oo ka waramaya wixii uu halkaa kula kulmay ayaa waxa uu yidhi. “Shantii Galabnimo ee Maalintii Sabtida ayaan waxaan booqday goobta Hudheelka Marwadu ka furanayso ee Gurigii Cali Jirde oo Women Club-ka ku xigay, waxaanan ugu tagay hal gaadhi oo USP ah iyo ilaa 20 Askari oo Ciidanka Bilayska ka tirsan oo Hudheelka hor joogay, waxaanan waydiiyay qaar Askartii ka mid ah, waxaa ka dhacay meesha ma Madaxdii Dawlada ayaa ku Shiraysa?. Mid askartii ka mid ayaa iigu jawaabay mayee, Marwada ayaa joogta oo berri ayaa Hudheel cusub Meesha laga fuarayaa” Sidaas ayuu yidhi Wariyahaasi.
Dhinaca kale, goobtan Hoteelka cusub ee Qoyska Marwadda Madaxweyne Siilaanyo laga waddo ayaa hore waxaa u soo baxday cabasho laxaadlleh oo la xidhiidhay Dhisme laga bineeyay hortiisa oo xidhay qaybo ka mid ah Jidka hor marra.

SomlegalAds

1 COMMENT

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.