WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 17, 2012, (Saxafi) – Ciidamada Amaanka ayaa rasaas ay kor u ridayeen shalay galab ku kalla didiyay Boqolaal haween iyo caruur ah oo mudaaharaad ka dhigay Wajahadda koonfureed ee Gurrigii hore loo odhan jiray Xisbiga ee duleedka Idaacadda Hargeysa.

Mudaharaadayaashan oo gubayay taayiro qiiq badan keenay ayaa wariyayaal ka tirsan Wargeysa Saxafi oo goobta tagay u sheegay in ay ka mid-yihiin Ganacastto wadhato ahayd oo aagaas dawaladda hoose ka baraciyay 14-kii bishan, Islamarkaana ay maqleen in barxad weyn oo laga raray laga Hirgalinayo Hoolal la dajiyo dadkii suuqyadda Hargeysa laga raray. “Meeshan waxaa Xashiish magaaladda yaala ayay dawladda hoose lafteedu ku soo rogtaan..goobtaas ayaanu ku shaqeysanaynay oo dhawaan waxayagii oo dhan dawladda hoose intay Cagafyo iyo ciidan soo kaxaysatay naga burburisay. Dabadeed waxaa la yidhi waxaa laga dhisayaa Hoolal la dajinayo dadkii jidadka suuqa hoose oo dhan laga raray. Arrintaas ayaanu diidanahay oo waxaanu doonaynaa in aan cid aan ahayn dadkayagii degenaa ee hore la noo keenin.” Sidaas waxaa tidhi mid ka mid ah haweenka halkaas ka wadday mudaharaadka.

Waxaanu weydiinay haweenkan inay leeyihiin ganacsatadda suuqaas ee wadhatadda ahi guddi dawlada hoose iyo xukuumadda kalla shaqeysa naddaafadda iyo bilicda, Islamarkaana tabashaddooda u guddbisa si aan isku dhac iyo buuq u imman. “Maya, dad masaakiin ah oo aan waxaaba garaneyn ayaanu nahay,..laakiin immika ayaanu guddi iska xulli doonaa” Ayay tidhi haween kale oo ka mid ahayd dumarkaasi.

SomlegalAds

Waxaa kale oo aanu haweenkan weydiinay in ay dawladda hoose ka hor mudaharaadka u gudbiyeen arragtidooda la xidhiidha warka loo sheegay ee tilmaamaya in ganacsataddii suuqa hoose la soo dajinayo waxaana ay sheegeen in aanay jirin. “Annagu dawladdayada waxaanu ka doonaynaa in ay dadkayagaa masaakiinta ah ee ay waxoodii burburisay meel u samayso oo aanay cid kale noo keenin iyadda oo aan anaga na meelaynin.” Ayay yidhaahdeen.

Haweenkan qaar ka mid ah ayaa waxaa ay ku doodeen in hore dowlada hoose lacago uga qaaday, islamarkaana u sheegtay in dhismayaal loo sameynayo, balse aanay waxba ka hellin oo ay gabi ahaanba ka horjeeddaan maamulkan dawladda hoose.

Dhinaca kale, Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa qiray in dadkan mudaharaaday ay ka mid yihiin dad aad u badan oo laga raray agagaarka Guriga Xisbiga, halkaasi oo uu ku dooday in laga dhisi doono hangaro waaweyn oo la dejinayo buu yidhi dadkii laga raray isla goobtan iyo kuwii hore looga raray badhtamaha suuqa Hargeysa.

Duqa Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, oo u waramay shabakadda wararka ee dawladda Hoose ee Hargeisamunicipality.Org,

Waxa uu sheegay in dawladda Hoose ay sii wadayso hawl-galaddan cabashadda keenay oo uu muujiyay inay u arkaan kor u qaadista bilicda caasimadda iyo nidaaminta jidadka suuqyadda.

Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir waxa uu xusay inaanay jirin olale ay dawladda Hoose si gaar ah u bartilmaameedsanayso meelo gaar ah, hase yeeshee wuxuu carabka ku dhuftay inay fulinayaan go’aanka xukuumadda dhexe iyo Gudida heer qaran ee bilicda magaaladdu ay ku doonayaan in lagu hagaajiyo quruxda Caasimadda Somaliland.

Hawl-galkan oo muddooyinkii ugu danbeeyayba ka socday suuqa dhexe ee Hargeysa ayaa keenay cabasho balaadhan, taasoo ganacsatadda hoose kaga horjeeddaan iyagoo ku naqdiyaya in aan loo sameynin meel ay tagaan oo bedel ah, balse Qorshe la’aan lagu raray. Maayar Jiciir oo arrintan ka hadlayna waxaa uu sheegay in degmooyinka laga samayn doono goobo ay ku ganacsadaan Ganacsatada yar-yar ee laga raray jidadka faras magaalaha Hargeysa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.