WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 27, 2012, (Saxafi) – Ciidammadda ilaaladda xeebaha Somaliland, ee ku sugan xeebaha galbeedka ee dalka ayaa gacanta ku dhigay 45 ruux oo isugu jiray 5 Soomaali ah iyo 40 Itoobiyaana oo tahriibayaal ah iyo 2 nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo iyagu ahaa gadhwadeenada dadkan tahriibinayay, kuwaasi oo ka dhoofayay xeebta Buula Cado ee gobolka Salal.

Sidaa waxa xaqiijiyay taliyaha ciidamada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan, oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay.

Taliyuhu waxa uu intaa ku daray in ciidanka xeebuhu ay dadkan tahriibayay iyo kuwii tahriibinayayba ay gacanta ku dhigeen markhribnimadii Habeen hore iyaga oo doonay in ay sifo sharci darro ah uga tahriibaan xeebaha Buulla Cado ee gobolka Salal.

SomlegalAds

Taliyaha ciidanka xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan waxa uu sheegay in tahriibiyaasha la qabtay iyo wakiiladii tahriibinayayba ay haddana gacanta ku hayaan isla markaana ay u soo gudbin doonaan Hargeysa, shircigana la horgayn doono si loo mariyo ciqaabta ay mutaystaan.

Taliyuhu waxa kala oo uu sheegay in ciidamada xeebaha in ciidamada xeebaha Somaliland ay heegan iyo feejignaan dheeraad ah ugu jiraan sugida ammaanka xeebaha Somaliland, isla markaana aanay sinaba suura gal u ahayn in sifo sharci darro ah dad looga dhoofiyo xeebaha dalkaSomaliland.

waxaanu taliyuhu digniin culus u diray cid kasta oo isku dayda in ay sifo sharci darro ah uga tahriibaan ama ay cid uga tahriibiyaan, isaga oo sheegay in cidii arrintaasi lagu helo ay la kulmi doonaan ciqaab adag, isla markaana la horkeeni doono sharciga.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.