WorldRemitAds

Kismaayo, Somalia, November 13, 2015 (Saxafi) — Koox fadhigoodu yahay Kenya ayaa shaacisay in ay hayso caddeymo cusub oo sheegaya in militeriga dalka Kenya ee ku sugan Somalia ay ku lug leeyihiin dhoofinta sharci-darrada ah ee dhuxusha dekedda magaalada Kismaayo.

Kooxda warbixintan soo saartay oo lagu magacaabo weriyayaal cadaalad-doonka ah ayaa waxay warbixintooda ku sheegeen in ciidamada Kenya ay sidoo kale soo safriyaan sonkor sharci-darro ah oo gudaha Kenya la geeyo.

Sidoo kale, warbixinta waxaa lagu xusay in ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku sugan ay sanadkiiba 50-milyan oo doollar ka helaan canshuurada dhuxusha iyo sonkorta sida sharci-darrada ah looga dhoofiyo Soomaaliya.

SomlegalAds

Dhuxusha_Dhoofinta_Kismaayo_660Warbixinta ayaa sidoo kale lagu xusay in ciidamada Kenya ay u suuro-geliyaan inay lacag ka sameeyaan Al-shabaab, maadama Al-shabaab canshuraan sokorta iyo dhuxusha ka soo baxda Kismaayo oo sii marta deegaannada ay maamulaan inta aanay gaadhin Kenya.

Dhoofinta dhuxusha oo lagu sheegay inay tahay isha ugu badan ee Al-shabaab ka soo gasho lacagaha ay ka helaan ayay Qaramada Midoobay waxay xayiraado ku soo rogtay Sannadkii 2012-kii, inkastoo xayiraadahaas dhowr jeer la jabiyay.

Qiyasaystii 230 gaadhi oo xamuul ah oo sida sokor sharci-darro ah ayaa la sheegay inay ka rartaan magaalada Kismayo toddobaad walba, waxaana warbxinta lagu xusay inaanay sokortan markin sharciyada ganacsiga dunida.

Dhanka kale, waxaa warbixitan lagu sheegay sida duqaymaha militariga dalka Kenya ay ku burburiyeen tuulooyin uu rayidku deggen yahay oo ay ku dilaan shacab; iyagoo marmarka qaarna bar-tilmaaeedyada ceelasha iyo xoolaha.

Ugu dambeyn, Waxay u muuqtaa in qorayaasha warbixintan ay soo gudbinayaan Sawirro muujinaya in ciidamada Kenya ay maja-xaabinayaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.