WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 23, 2012 (Saxafi)- Ciidamadda Dawladda ku meelgaadhka Soomaaliya oo ay taageerayaal kuwa Itoobiya ayaa shalay rabshad la’aan ku qabsaday xarunta gobolka Bakool Xudur.

Degmadan oo 450-km dhinaca Galbeed kaga beegan Muqdisho ayaa noqonaysa tii saddexaad oo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay kala wareegaan xoogagga Al-shabaab tan iyo bishii Diseember ee sannadkii hore.

Xoogaggii Al-shabaab ayaa isaga baxay degmadaas gallinkii dambe ee shalay kaddib markii uu duleedka degmadaas ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay iyaga iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Itoobiya.

SomlegalAds

Mid ka mid ah dadka deegaanka ee Xudur ayaa warbaahinta uga waramay xaaladda ay ku sugan tahay magaaladaasi, waxaanu yidhi “Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya ayaa gudaha u soo galay degmada, xalaaddu waa daggan tahay,”

Bishii lasoo dhaafay dhammaadkeeda ayay ahayd markii ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya oo isgarabsanaya ay la wareegeen degmada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay kaddib markii xoogaggii Al-shabaab ay si nabad ah uga baxeen degmadaas.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku aaddan ka bixitaankooda degmada Xudur iyo la wareegista ciidamada dowladda KMG ah, waxaase tani ay qayb ka tahay dadaallo ay dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada dalka ku sugan ay ku doonayso inay kula wareegto gobollada ay Al-shabaab ku sugan tahay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.