WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 19, 2016 (Saxafi) – Ciidanka Amniga Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah eedaysanayaal lagu tuhmay inay ku jireen Dabley weerartay goob diiwaangelini ka socoto, isla markana qaadatay qalabkii diiwaangelinta.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inay soo qabteen dabley ku hubaysan Qoryo, Baaskoolad iyo Mobile, sidoo kale, waxay gacanta ku qabteen laba suldaan oo lagu eedeeyey inay falkan ka dambeeyeen. “Halkan waxaan uga mahad naqayaa ciidanka amaaanka ee naftood hurayaasha ahaa ee dhacdadii shalay ka Dhacday Goob diwaan galineed oo deegaanka hadaynta ciidankii ka hawlgalay, markii aanu warkaasi maqalnay waxaanu galnay heegan buuxa oo meel kasta ah, waxaanu ciidanku gacanta ku soo dhigeen dablaydii falkaasi gaysatay, ciidankuna waa naftood hurayaal habeen iyo maalin wakhti kasta saacad kasta iyo minid kasta heegan ku jira”ayuu yidhi taliyaha ciidanka boolidka Fadal oo sheegay inay qabteen qaar ka mid ah dableydii iyo hubkii ay siteenba. .
Waxaanu intaas ku daray “Ciidanku waa qaar u dadban in ay ilaaliyaan nabad Somaliland heegana ugu jiraan in bulshadoodu nabad ku seexato, waxaanan amaan u jeedinayaa siday shacabku garabka u siiyaan ciidanka marka ay xaaladi taagan tahay, waxaana ciidanka booliska ku boorinayaa in ay ciidankooda u dhaga nugladaan oo ay markasta wakhti siiyaan”.
Dhinaca kale, Afhayeenka ciidanka booliska Faysal Xiis oo isna faahfaahinayey inta qof ee ay dhacdadasi u hayaan ayaa yidhi “Ciidanku waxa ay gacanta ku soo dhigeen 16 nin iyo saddex gaadhi, waxaana ayaan daro ah in falkaasi ay gaysteen dabadana ka wadaan laba nin oo salaadiin sheeganaya, Suldaan Sanbayso iyo Suldaan Ibraahin Sulub Nuur, marka ay tageen goobtii diwaan galintu ka socotay waxa ay si badheedh ah xabad ula dhaceen shaqaalihii iyo qalabkii ay shaqada ku hayeen, waxaana ay waxyeelo gaadhsiiyeen qalabkii meesha yaalay. Halkan waxa yaala hubkii Nimankaas lagu soo qabtay, haday salaadiin yihiin iyo haday yihiin kuwan ciidanku qabteenba waxa ay ku jireen hawl gal lagu khal-khal galinayo amaanka dalka, halkan waxa yaala Akeegii, baaskooladihii, waxaana lagu qabtay iyaga oo gacantooda ku sita, suldaankuna kama wayna sharciga, waydinka arkaya qorihii baaskooladihii, Moobiladii, waxaana ay danbigan u galeen waxa uu ahaa mid abaabulan oo ay ka soo shaqeyeen”.
Sidoo kale waxa uu wax lala yaabo ku masaalay afhayeenka ciidanku inuu suldaanku qori qaato kana tago dhex-dhexaadintii iyo nabadii lagu yaqiinay salaadiinta iyo in ay ka taliyaan bulshada ay oodwadaagta yihiin sidii ay ugu adeegaan lahaayeen qaab niyad sami ah balse taas waxa ay u bedeleen in ay bulshadoodii kula dhaqmaan Xabad iyo amaanka oo ay xumeeyaan.
“Laakiin waxa fajiciso iyo dhabana haysi ku noqotay Bulshadii Somaliland Labadan suldaan ee amaanka ku ciyaaraya, danigaaasi dhacay ciidanku gacanta ayay ku hayaan si wanaagsan waa looga soo shaqeeyay, waxaana loo gudbin doonaaa xeer ilaalinta iyo Maxkamadaha Sharciga u leh, cidna looga dulqaadan maayo in ay Amaanka Dalka khal-khal galiyaan, ciidankuna waxa ay ka hortagi doonaan rabashad wadayaal kasta” ayuu yidhi afhayeenka ciidanka Booliska Faysal Xiis.
Dhinaca kale, Komishanka Doorashooyinka oo habeen hore ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in goobta la weeraray ay ahayd Sabo-wanaag, oo isla deegaankaas ah isla markaana hore codbixin uga dhici jirtay, hase yeeshee arrintaas ayaa la sheegay inaanay waxba ka jirin balse goobta ay kooxdani weerartay ay ahayd Hadayti oo ahayd goobihii aanay hore codbixintu uga qabsoomin ee xayirnaa, sidaas darteed lama garanayo sababta kala duwanaanshahan keentay ee guddoomiyaha Komishanku goobta la weeraray ugu tilmaamay Sabo-wanaag, halka ciidanka iyo dadkii goobjooga ahaaba sheegeen in goobta qalabka diiwaangelinta lagu weeraray tahay Hadayti oo ka tirsan deegaanka Cabdi Geedi.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.