WorldRemitAds

Berbera, Somaliland, August 19, 2017 (Saxafi) – Qaar ka mid ah ciiddamada ilaaladda xeebaha Somaliland ayaa loo qabtay aqoon-korodhsi ku saabsanaa qaabka dabka ay ula dagalaami lahaayeen intay ku guddo jiraan hawlahooga shaqo.

Taliyaha guud ee ciiddamada ilaaladda xeebta Somaliland, sareeyoo guuto Cabdi Xirsi ayaa soo xidhay kulankan aqoon korodhsiga ah ee loo qabtay ciiddamada ilaalada xeebta khamiistii doraad kaas oo socday muddo afar cisho ah, isla markaana ay iska-kaashadeen bixinta casharaddiisa ciiddamada dab-demiiska ah iyo xafiiska u qaabilsan la dagaalanka budhcad-badeedka ee magacoodu yahay EUCAP-NESTOR, waxaana muhiimadda ugu wayn ee uu daarna tababarkani ahaa dardar gelinta laamaha dowladda oo lagu dardar gelinayo barashadda qaabka loola dagaalamo dabka.

Maayorka degmadda magaaladda Berbera, Cabdishakuur Maxamuud Xasan Ciddin iyo badhasaabka gobolka Saaxil Jaamac Yusuuf Axmed ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyey saraakiisha ciiddamada ilaalada xeebta iyo masuuliyinta bixinaysay casharadda iyagoo xusay masuuliyiintaasi in ay muhiim tahay barashadda xirfadda iyo aqoonta dabdamiska ah waxaanay ku baaqeen in dhamaan laamaha dowladdu ka kooban tahay bartaan duruusta cilmiga dabdabmiska ah.

SomlegalAds

Taliyaha ciiddaanka dabdemiska Somaliland, sareeyo guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxilii) oo khabiir weyn ku ah dhanka aqoonta dabdemiska ayaa uu mahadnaaqay taliyaha, saraakiisha iyo askarta ilaalada badda Somaliland, waxaana hadalkiisa uu dhigna sidan “Waxa aan maanta ku faraxsanahay anigoo ka wakiil ah ciiddanka dabdemiska ah ee tobabarka afarta cisho bixinayey, labadii cisho ee u horeeyey wuxuu ku saabsanaa aqoonta guud ee dabdemiska, halka labadii maalmood ee u dambeeyey casharadoodu ahaayeen qaabka dabka loo dareemi lahaa.”

Ugu dambayntiina, taliyaha guud ee ciiddamada ilaalada xeebaha jamhuuriyadda Somaliland sareeye guuto Cabdi Xirsi ayaa isna u mahadnaqay taliyaha guud ee ciiddamada dabdemiska isagoo ka hadlay tobabarka muhimadiisa, waxaana hadalkiisu u dhigna sidan “Tobabarka dabdemiska ah ee gurmadka degdeg ah ee ciidanka ilaalada xeebaha la siinayey muhimadiisu daarna khataraha had iyo jeer ka dhaca bada, khatar kasta oo jirta hadaanay tobabarkeeda iyo aqoonteeda lahayn kama badbaadi kartid. Casharada tobabarka lagu bixiyey, waxa ay ka mid yihiin afar cashar oo la’aantood aan badda laga shaqayn karin.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.