WorldRemitAds

Ceerigaabo, Somaliland, November, 13, 2015 (Saxafi) – Masuuliyiinta gobolka Sanaag ayaa markii u horaysay ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday magaalada Ceerigaabo ee sababtay dhaawaca dad ra’yid ah kadib markii booliska iyo dad shacab ah oo dibad baxayaa iska hor yimaadeen.

Taliye qaybeedka gobolka ayaa sheegaya in rag hubaysani soo dhex mareen shacabka islamarkaana booliska rasaaseeyeen. Wuxuu sidoo kale sheegay in hub culus oo ay raggaasi rideen sababay qaar ka mid ah dhaawaca dadka, balse waxgaradka deegaanku waxay hore u sheegeen in dad aan hubaysnayn boolisku rasaaseeyay.

ciidanka BileyskaBadhasaab kuxigeenka gobolka ayaa isna bulshada ugu baaqay inay tixgaliyaan ciidamada habeenkii iyo maalintiiba u soo jeeda ammaanka jawiga Ceerigaabo oo qabaw. Wuxuu sheegay in bulshadu sharaf ku leedahay ciidamada amniga gudaha iyo xuduudaha ilaalinaya, isagoo sheegay in Ceerigaabo wakhtigan horumar ka socdo, balse aanay u baahnayn colaad.

SomlegalAds

Shaqaaqadan doraad ayaa ka dhalatay ka dib markii ciidanka Booliska Gobolka Sanaag ay isku dayeen inay soo xidhaan sarkaal ka tirsan booliska oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Caddib oo  lagu xidhiidhiyay inuu kaalin ku lahaa hub la sheegay inuu dhawaan  ka soo degay xeebta degmadda Maydh ee gobolka Sanaag. Hase yeeshee dad ninkaa difaacayay ay Booliska kala hortageen rabashado, taasi oo sababtay in shan qof ku dhaawacmaan iska hor imaadkii halkaas ka dhacay.

Dhinaca kale ciidamada amaanka ayaa la geliyay heegan si ay u sugaan nabadgalyadda gobolkaas.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.