WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, September 23, 2018 (Saxafi) – Ciidanka qaranka Somaliland ayaa shalay galab tacshiirad rasaas ah ay is weydaarsadeen maleeshiyo uu wato Jamaal Baaxad oo dhawaan sheegay inuu ka goostay ciidanka qaranka Somaliland oo uu ka tirsanaa isla markasina ku biiray jabhadda uu yagleelayo Kornayl lagu magacaabo Caare oo ka falaagoobay ciidanka.

Jamaal Baaxad iyo Maleeshiyadda uu wato ayaa ku sugnaa deegaanka Buuralayd ah ee Haldhaadan oo ka tirsan gobolka Sanaag sida la sheegay, waxaana ay wararku sheegayaa In ciidan ka mid ah cutubyadda Qaranka oo halkaas tagay uu kala horyimid iska caabin.

SomlegalAds

Weriyayaasha ka soo warama Magaaladda Ceerigaabo waxaa ay sheegay in labadda dhinacba ay jiraan khasaare dhaawac ah oo gaadhay, balse wali taliska ciidanku ma faah-faahin sababta tacshiiraddan iyo in hawlgal ciidanku ka fullinayay aagaas iyo in kale.

Wararka ayaa sidoo kalena sheegaya in Maleeshiyadda laga qabsaday gaadhi wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee gobolka Sanaag lahayd, kaas oo ahaa dhooli (Amblunce) dhakhtarka degmada Xiis lahayd oo ay hore u dhaceen maleeshiyadaasi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.