WorldRemitAds

Naples, Italy November 13, 2015 (Saxafi/Ansa) – Ciidamada bileyska dalka Talyaaniga ayaa maalintii shalay ee khamiisti ka fuliyey hawlgalo dhinaca amaanka ah gudaha dalkaas oo dhan, waxana hawlagaladasi ku waajahnaa eedeysanayaal qowleysato ah oo dalal Afrika ah ka wadda qalalaase ay hubka ugu iib geeyaan iyo shaqo-qorista dagaalyahano calooshood u shaqeystayaal ah sida uu warbaahinta u xaqijiyeen qaar ka mid ah bahda garsoorka dalkaas.

Warbaahinta dalka Talyaaniga oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa baahiyey in dalka Soomaaliya uu aqoonsaday dalka ugu muhiimsan ee kooxdani ka hawlgasho, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamadda bileyska dalkaas, waxana ay soo ururiyeen, islamarkanaa ay baadhitaan ku wadaan in ka badan 30 shaqsi oo ka tirsan koox lagu magacaabo Neapolitan Camorra, saldhigeeduna yahay magalada Naples ee gobolka Campania. Waxana ciidamada amaanku ay diiradda saarayaan qaybinta sida qaybo ka mid ah diyaarad, helikoobtaro iyo qoryaha automatikada ah.

BOOLISKA-DALKA-TALYAANIGA-300x169Waxa kale oo lagu xidhiidhinayaa in ay xidhiidh dhow la leeyihiin eedeysanayasha koox qabiil ama qoys awood badan leh oo magaceedu yahay Casalesi clan oo xidhiidh dhow la leh ururada argagixiso ee caalamiga ah sida ay ciidamada bileysku warbaahinta u sheegeen.

SomlegalAds

Hawlgalada bileysku qaadeen ayay ka fuliyeen waqooyiga iyo konfurta dalka Talyaniga, iyagoo ka dulaya xog ay ka heleen basaasiinta u adeega bileyska, in qaar ka mid ah degmooyinka waqooyi bari ee gobolka Veneto ku yaalo saldhig ama xarun ay leeyihin qoyskani islamarkana ay ku tobabaraan dagaalyahano Calooshood-shaqeystayaal.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.