WorldRemitAds

Cilmi baadhis caafimaad oo ay samaysay jaamacadda London ee dalka Ingiriisku ayaa lagu ogaaday in Beentu naafayso qaybo maskaxda aadamiga ka mid ah, oo shaqooyinka ugu muhiimsana qaabilsan.

Sida ay tilmaamayso cilmi baadhistan ugu danbaysay ee jaamacada London ka samaysay saamaynta beentu ku yeelan karo aadamiga, qofka ayaa markasta oo uu been sheego ay dhibaato ku timaada qaybta damiirka ama xishoodka u qaabilsan maskaxda, taas oo marka qofku caadaystana si ku meel gaadh ah u naafowda.

SomlegalAds

Qaybtan maskaxda u qaabilsan damiirka ama xishoodku waxa kale oo ay aadamiga u samaysay yididiilada iyo deganaanshaha, laakiin haddii ay naafowdo waxa taa badalkeedi qofku dareemaa daganaansho la’aan iyo buuq ama culays badani inuu saaran yahay.

Beenta oo ah mid diimaha samaawiga oo dhami wada xaaran tinimeeyeen, ayaa sida cilmi baadhistan Jaamacada London lagu ogaaday iyo natiijadii ka soo baxday uu baahiyay wargeyska The Nature, waxa si mutadawacnimo ah uga qayb galay sideetan qof, kuwaas oo lagu xidhay, qalab casri ah oo si fudud loogula socon karo shaqada kala duwan ee maskaxdoodu qabato.

Dadkan ayaa lag codsaday inay been sheegaan, iyagoo xidhan qalabkan ka waramaya dareen celinta maskaxda, sida khubaradii baadhitaanka waday sheegeen, qof kastaa marka ugu horaysa ee uu beenta sheego, waxa si wayn u shaqaynaysay qaybta Maskaxda aadamiga u qaabilsan, Damiirka yaxyaxa iyo xishoodka.

Laakiin mar kasta oo uu beenta ku celiyo waxa hoos u dhacaysay shaqadii iyo dareen celintii qaybtaasi samaynaysay, halka taa badalkeedi uu kor u kacayay wareega dhiiga, neefta uu qadaanayo qofku ee Oxygen-ta loo yaqaanana ka badanaysay.

Warbixinta laga diyaariyay dhibaatada caafimaad ee ay mudan karaan dadka beenta sheega ama caadaysta oo aad u dheerayd ayaa marka la isku soo wada ururiyo tilmaamaysa halista caafimaad ahaan iyo damiir ahaan ay beentu leedahay, taas oo sheegisteedu mar walba dhibaato badan tahay.

Akhriste sida aynu wada ognahay, kun iyo afar boqol oo sanadood ka hor ayuu Rasuulkeeni Maxamed (NNKHA) inooga digay beenta iyo halisteeda, waxaanu Nabigu (NNKHA) gaadhsiiyay Inaanu Beenaaluhu Umadiisa ka mid ahayn, ka sinaysta iyo ka khamriga cabaana ka dhow yihiin, beentu waxay kala fogaysaa dadka, waxaanay qofka sheega ka lumisaa xasiloonida, kana dheeraysaa daacada Alle (SW), waxa sidaa u dhignaa xadiis saxiix ah oo Nabigeenu inoogaga digay beenta iyo dhibteeda, iska ilaali intii aad karto, kuna darso waxyaabaha kaa reeban ee aad neceb tahay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.