WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, December 6, 2018 (Saxafi) – Guddoomiyaha Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdi Shaqaabe) ayaa tilmaamay in loo diray Cilmi baadhis lagu hubinayo waxaa ay yihiin biyo qadhaadh oo xaafaddo ka mid ah magaallada Boorama looga qaxay.

Guddoomiyaha oo shalay Waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Saxafi waxaa uu tilmaamay in dhamaan laamihii ay khusaysay ee dawladda Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ahba goobta la geeyay, Islamarkaana biyihii la qaaday si soo baadho. “Biyahani, xaafaddo dhan ayay baro-kiciyeen. Dawladda hoose waa ku hawlan tahay sidii loogu sameyn lahaa saaqiyaddo. Mida kale, si loo hubiyo biyahani waxaa ay yihiin waxaanu isugu keenay hay’addihii ay khusaysay dawladda Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ahba. Waana la qaaday si loo soo baadho.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Waxaana uu xaqiijiyay in dedaalka hawshani socdo, balse waxaa uu ka gaabsaday inuu ka hor dhaco baadhista sida uu sheegay oo uu u magacbixiyo waxaa ay u maleeyeen.

SomlegalAds

Bulshada ku dhaqan magaalada Boorama ayaa cabsi kala kulantay biyahan dhulka ka soo baxaya oo noqday durdur magaalada dhex socda oo qadhaadh.

Guryo badan ayaa ilaa hal miitir hoosta ka qoyay oo dadkii lahaa ka cabsi qabaan in ay ku dumaan.

Magaaladan oo hore loogu yaqaanay dhulgariir ka soo bilaamba buurta SAW ayay biyahani shaki kale ku sii biiriyeen. Maadaama aan illaa hadda la aqoon san halka ay biyuhu ka imanayaan. Ka sokow dhul-gariir soo noqnoqda, khuburadda amuurahan ku talaxtagtay ayaa aaminsan in Isbedel laxaad lehi ku soo fool leeyahay dhulkan, islamarkaana ay Qaaradda Afrika u kala qaybsamayso laba, iyadda oo inta badan dhulka Soomaalidu degtaa ka go’ayo qaaradda inteedda kale, taas oo malaayiinkii sanadoodba mar dhacda. Waxaana tan sii muujiyay ka dib markii dhawaan (March 30 2018) qaybo ka mid ah dhulka Kenya ee Dooxada loo yaqaanno Rift vallay uu go’ay iyaddoo dhulkaas go’ay qiyaastii ahaa balac ahaan ilaa 50 cagood, halka dhererkana uu ahaa dhowr Kilo Mitir. Waxaana la wariyay in laagtaasi isaga gudubto Kenya, Ethiopia ilaa Djibouti.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.