WorldRemitAds

Cilmi baadhis caafimaad khabiiro ka tirsan jaamacadaha dalka Maraykanku ku baadheen saamaynta soonku ku leeyahay caafimaadka aadamiga ayaa natiijo aad uga yaabisay oo ay mucjiso ku tilmaameen kaga soo baxday, waxaanay baadhistoodan ku ogaadeen sida qayb kasta oo caafimaadka aadamiga ah uu soonku faa’iido iyo wax tar ugu leeyahay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Jariirada “Detroit Free Press” oo natiijadii cilmi baadhis-tan baahisay, ayaa ku warantay in Soonku yahay mucjiso aadamiga badankoodu aanay ka war qabin oo faa’iidadiisu ka daahnayd.

SomlegalAds

Hasa yeeshee baadhitaan ay sameeyeen khabiiro ka tirsan jaamacadaha dalka Maraykanku ay ku ogaadeen, sida uu guud ahaan caafimaadka aadamiga oo dhan ugu wanaagsan yahay, waxaanay cilmi baadhis-tani tilmaantay in isku dheeli tirnaanta caafimaad ee dadka oo dhami wada doonayaan laga heli karo Soonka oo kaliya.

Khabiirka hogaaminayay baadhayaasha Maraykanka ah ee Soonka daraasada ka sameeyay oo lagu magacaabo, Walter Longo, ayaa sheegay sida uu ula yaabay faa’iidada caafimaad ee dhinac kastaba leh ee soonka laga helayo.

Khabiirkan oo ka tirsan jaamacada (University Of Southern California), oo ka hadlayay natiijada ka soo baxday cilmi baadhis-tii ay ku sameeyeen Soonka, ayaa yidhi, “Muddo dheer aadamigu waxay raadinayeen, inay helaan, hab isku dheeli tiran oo ay ku ilaaliyaan caafimaadkooda, isla markaana kaga badbaadaan cudurada halista ah iyo dhibaatooyinka caafimaad daro ee sababta u ah, cimri deg deg  iyo caafimaad darada is huwan. Laakiin waxaanu ogaanay in hab kasta oo hore loo tijaabiyay ama lagu qabay kalsooni, aanu ahayn mid damaanad buuxda lagu qabi karo, hasa yeeshee Soonku waxaan odhan karaa waa habka ugu haboon ee caafimaadka aadamiga ugu wanaagsan.” Ayuu yidhi.

Khabiir Walter oo ka mid ah dadka ugu aqoonta badan habka quudashada cuntooyinka ugu wanaagsan caafimaadka aadamiga, muddo dheerna baadhayay habka cunto ee ugu fiican caafimaad ahaan, si haboona jidhku u gubi karo, ayaa sheegay in dhamaan tijaabo kasta oo ay sameeyaan ay ku ogaan jireen, in bilo ka dib, xanuuno iyo dhibaato caafimaad qofku kala kulmo.

Laakiin afar todobaad oo qofku soomaa hab kasta oo caafimaad ka wanaagsan tahay, khabiirkan ayaa tilmaamay sida ay ula yaabeen markii ay baadhitaankooda ku sameeyeen dad Muslimiin ah oo soomay bisha Ramadan, kuwaas oo ay arkeen in dheef shiidkoodi fiicnaaday, difaacii jidhkoodu xoogaystay, jidhkooduna sidii ugu haboonayd u gubay duxdii iyo waxyaabaha baruurta iyo caafimaad darada dhaliya.

Khubaradan oo tijaabadoodi ugu horeysay ku sameeyay jiirarka baadhitaanada dawooyinka loo isticmaalo, ayaa aad uga yaabay natiijada kaga soo baxday cunto ka joojintii noolayaashii ay baadhitaanka ku samaynayeen.

Ka dibna waxay u gudbeen in dad sooman ay baadhaan, waxa layaab ku noqotay markii ay arkeen saamaynta soonkii ku yeeshay caafimaadkooda, waxa ay ogaadeen in qofku marka uu soomo, jidhku burburiyo unugyadii difaaca ee gaboobay ka dibna kuwo cusub oo aad u badan samaysto, taas oo ah hab haddii jidhka aadamigu awoodo uu wax walba kaga gaashaaman karo.

Ugu danbayntii khubaradan Maraykanka ah ayaa dadkooda kula taliyay in ay afar todobaad soomaan sanad kasta si ay caafimaadkooda kor ugu qaadaan ugana gaashaantaan cuduro iyo halis caafimaad oo ku dhacda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.