WorldRemitAds

Dalka Ciraaq oo isagu ahaa dalkii ugu horeeyay dunidda ee ikhtiraaca Saacad ama farsameeya isla markaana ahaa dadkii dajiyay nidaamka 24-ka saacadood ee loo tirsado wakhtiga ayaa hadana u muuqda in imika ay soo saarayaan saacad cusub oo laga yaabo inay badasho tii hore duniddu isula taqaanay.

Nin u dhashay dalka Ciraaq oo ka xoogsada warshad yar oo saacadaha iyo alaabooyinka Elegtarooniga ah lagu dayac tiro oo ku taala magaalada Naasiriya ee koonfurta dalkaas ayaa ku guulaystay ama ikhtiraacay saacad dhinaca khaladka ah u shaqaynaysa.

Saacadan oo noocyo kala duwan leh, isla markaana noocyada otomaatiga u shaqeeya u badan ayaa gabi ahaanba u wareegaysa dhinaca danbe ama dhinaca saacadaha caadiga ahii u wareegaan maahee dhinaca kale ee bidixda ah. Ninkan oo lagu magacaabo Naadim Safaar ayaa qaabkan cusub sida uu sheegay u guuray ka dib markii macaamiishiisi saacadaha ka iibsan jirtay ay hoos u dhaceen, isla markaana kaga raysteen saacadihii.

SomlegalAds

Isticmaalka saacadaha Mobile-da telefoonadda gacanta iyo kaambuyuutaradda. Mar warbaahintu ka waraysatay saacadan cusub iyo waxa ay kaga duwanaanayso saacadihii hore caadiyan dadku u isticmaali jireen, ayuu sheegay Mr. Naadim in hoos u dhicii ugu waynaa ee la soo dersa ganacsiga saacaduhu uu haleelay tobankii sanadood ee u danbeeyay, taasina ay keentay in todobaadkii mararka qaarkood hal saacad ah laga iibsado taas oo dadkii kaga maarmeen isticmaalkii saacadaha telefoonada gacanta lagu qaato iyo kaambuyuutaradda.

Hasa yeeshee tan iyo wixii ka danbeeyay intii uu sameeyay nidaamka cusub saaccadaha u shaqaynaya uu helay suuq aad u sareeya, gaar ahaana dadka Shaqaalaha ah, Dhakhaatiirta iyo Saynisyahanadu ay aad u iibsadaan saacadahan cusub. Khabiirkan reer Ciraaq ayaa sheegay in saacaddaha caadiga ah ee la isticmaalaa khilaafsan yihiin qaabka wareega dhulka, qorax soo baxa iyo qorax dhaca iyo wareega Kabcadda sidaa daraadeed saacadiisani la jaan qaadayso, wareega dhulka, wareega Kabcadda iyo cadceeda soo baxa iyo cadceed dhaca.

Qiimaha saacadaha noocan ama qaabkan u shaqaynaya ee khabiirkan reer Ciraaq sameeyay la kala siisto wakhtigan ayaa ah 15-kun oo diinaarka dalka Ciraaq ah, waxaanu rajeynayaa in suuq cusub iyo dalabyo kale uga yimaadaan dunidda Islaamka iyo dallalka Carbeed ee la jaarka ah dalkiisa.

Saacadaha khabiirka reer Ciraaq sameeyay waxay leeyihiin ama ku qoran yihiin af carabi iyo laatiini iyo waliba calaamadaha Giriigiii hore ee saacadaha qaar tiradoodu ku qoran tahay. Dadka reer Ciraaq ayaa lagu tiriyaa kuwo aad ugu fiican fikirka iyo hindisaha, sidoo kale dalka Ciraaq waxa uu ahaa dalkii ugu horeeyay dunidda ee lagu farsameeyo saacad.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.