WorldRemitAds
Ontario, Canada, December 20, 2015, (Saxafi) – Axmed Cali oo ah ciyaartoy Kubada Kolayga u ciyaara dugsiga sare BTB ama John Polyani Collegiate Institute oo ku yaala dalka Kanada ayaa noqday ninkii labaad ee abid dhaliya in ka badan 100 dhibcood ciyaar kali ah.

Waxaana xidigani uu diiwaanka tariikhda dalkaas uu ku galay markii uu dhaliyay 103 dhibcood kulan uu dugsigiisa sare u ciyaarayay oo ay la kulmeen dugsiga C.W Jeffreys bishi December 16-keedii. Iyaddoo natiijadii ciyaartu ku dhamaatay guushuna ku raacday dugsiga BTB oo dhaliyay 111 dhibcood halka dugsiga kalena uu dhaliyay 76.
Ahmed Ali, a Somali-Canadian HS player2Axmed Cali ayaa noqday ciyaartooygii labaad ee dhaliya in badan 100 dhibcood ciyaar kubada kolayga ah. Iyaddoo uu durba soo jiitay indhaha daneeyayaasha kubadan, oo la socda wareega xidhiidhka kubada kolayga dugsiyada sare ee dalkaas oo dhowaan la soo assaasay Ontario Prep League. Waxaana ciyaartaygan ka horeeyay laacib magaciisu u ahaa Denham Brown oo sannadkii 2001 dhaliyay 111 dhibcood isla xidhiidhka dugsiyadda sare ee gobolka Ontario.
Axmed Cali oo ah kubad sidaha ama point guard-ka una safta dugsiga sare ee BTB Prep kana mida ah dusiga John Polyani Collegiate Institute, waxa lagu qiyaasay dhibcaha uu dhaliyo celis celis ahaan  ciyaar walba 26 dhicood.
 Ciyaartiisii ugu wanaagsanayd ee uu soo bandhigo oo ahayd kulankii ay iskaga hor yimaadeen dugsiyada Thorn Maker iyo Athlete Institute ayaa uu ka dhaliyay laba ciyaarood oo ay wadda yeesheen min 35 dhibcood.
Mana aha ciyaartani tii ugu horeysay ee uu dhaliyo dhibco badan Axmed Cali bishi Abril waxaa uu 41 dhibcod ka dhaliyay dugsiga sare ee Indiana Gym Rats, iyaddoo ahayd ciyaar kama dambays ah, 48 sidoo kale waxaa uu dhibcood ka dhaliyay dugsiga VCU commit Marquel isagoo ku dhamaystay sanad dugsiyeedkii 2014/15 laba kulan oo uu dhaliyay mid 46 dhicood dugsiga Ohio Basketball Club iyo 44 dhibcood oo uu ka dhaliyay dugsiga @CNIT Sphere.

“Laacibkani waa sidda duufaanka oo kale, kubad uu haleelayna cidi ma qaban karto. Hadaad ka hor timaad waa inaad tahay nin degenaansho badan haddii kale wuu ku jiidhayaa” Sidaas waxaa yidhi tobabaraha dugsiga sare ee Sphere Mike Chmliewski oo aragtidiisa ka bixiyay laacibka Axmed Cali oo ka mid ah sannad dugsiyeedka 2015/2016 kontonka laacib ee ugu wanaagsan dalka Kanada oo dhan.  

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.