WorldRemitAds

Ciyaar yahanka sida dar darta leh, muddooyinkii danbe u soo shaac baxayay ee Maxamed Salaax ayaa mushaharkiisa bishan ugu deeqay, afar boqol iyo konton qoys oo dadka danyarta ah ee tuuladii uu ka soo jeeday ee dalka Masar ku nool, kuwaas oo sida la sheegay caawimadan laga siin doono sanduuqa gaar ah ee Maxamed Salaax.

Maayarka magaaladii uu ku dhashay Maxamed Salaax ee Najrij oo lagu magacaabo Maher Anwar Ashtayeh ayaa warbaahinta u cadeeyay, deeqdan laacibka kooxda Liverpool ugu tabarucay, dadka danyarta ah ee degaankiisa ku dhaqan.

SomlegalAds

Qoysaskan afarta boqol iyo kontonka ah ayaa isugu jira, agoon, haween la furay iyo kuwo ragoodi ka dhinteen oo noloshoodu aad u liidato, kuwaas oo deeq wayn ay u noqon doonto sida warbaahinta dalka Masar ku warantay.

Bishii hore ee January ayay ahayd markii uu laacibka Maxamed Salaax degaanka uu ka soo jeedo ee dalka Masar, ugu tabarucay dhismaha dugsi hoose dhexe iyo cusbitaal tayadiisu sarayso iyo hal gaadhi oo kuwa gurmadka degdeg ah loo adeegsado ee Ambulance-ka afka qalaad loogu yeedho.

Maxamed Salaax ayaa bilowgii sanadkan aasaasay jimciyad u gaar ah oo lagu magacaabo, mohammed Salaax Charity Association, taas oo deeqo kala duwan siisa, dadka danyarta ah ee dalka Masar ku dhaqan gaar ahaan kuwa degaanada uu asal ahaan ka soo jeedo laacibkani.

Jimciyada gargaarka ee Mohammed Salaax oo uu maamule ka yahay, Salaax Al-Bahnasi ayaa warbaahinta uga waramay, deeq uu ciyaar yahankani ugu tabarucay dadka danyarta ah oo sida ay xuseen marba tiradoodu sii kordhayso, is diwaan gelintooduna ilaa wali socoto.

Afhayeenka Madaxweynaha Masar Cala Yusuf oo dhawaan ka hadlay wax tarka Mohammed Salaax u soo kordhiyay dalkiisa Masar, waxaan danjire Cala Yusuf sheegay in Mohammed Salaax yahay mucjiso iyo hormood ku dayasho mudan u yahay dhalinyarada reer Masar iyo kuwa carabta.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.