WorldRemitAds
Ciyaaryahanka reer Bortaqiis Cristiano Ronaldo ayaa si diiran u soo dhaweeyay, sadex jir reer Lubnaan ah oo dhawaan labadiisi waalid ku waayay qaraxyadii Bayruut, waxaanu Lacibka kooxda boqortooyada Spain ee Real Madrid, wiilkan yar ee agoonka iyo rajayga ku noqday qaraxyada ku qaabilsay Madaarka.

Sida wakaaladaha wararka aduunka badankoodu baahiyeen, wiilkan sadex jirka reer Lubnaan oo lagu magacaabo, Haidar Mustapha, ayaa warbaahintu hore u baahisay isagoo ku labisan garanka kooxda Real Madrid, gaar ahaana nambarka uu qaato Xidiga Cristiano Ronaldo, xiligaas oo uu sheegay inuu aad u jecel yahay Ronaldo.
Cristiano Ronaldo iyo XaidarHaddan wakhti yar ka dib ayay warbaahintu baahisay, wiilkan yar oo dhakhtar ku jira, isaga oo dhaawacyo fudud oo ka soo gaadhay qaraxyada laga dawaynayo, balse nasiib darada ugu wayni ay isaga ku dhacday oo uu labiisi waalid hooyo iyo aabe uu qaraxaas ku waayay oo ay ka mid ahaayeen dadkii ku dhintay.
Laga bilaabo markii warkaas naxdinta lahaa ee wiilkan yari soo baxay waxa uu Xidiga Cristiano Ronaldo uu go’aansaday inuu wiilkan yar ku qaabilo, xarunta kooxda, waxaana la qaatay Madaxweynaha Naadiga Real Madrid Florentino Perez.
Wiilkan yar ayaa kooxda Real Madrid oo uu hogaaminayo Lacibka wayn ee Cristiano Ronaldo, si diiran ugu soo dhaweeyeen xarunta iyo madaarka Madrid, waxaana degdeg loogu labisay, garanka kooxda oo  magaciisa Haidar iyo No: 7, ku xardhan yihiin.
Wiilkan yar ayaa farxad darteed la ilmeeyay markii uu hab siiyay xidiga Cristiano Ronaldo, waxaana loo qaaday xarunta wayn ee kooxda, halkaas oo Madaxweynaha iyo Ciyaar yahano badani salaam iyo soo dhawayn ay la boobeen, waxaana soo dhawayn boqortooyo wiilkan yar loogu samayn doona ciyaarta Real Madrid iyo Rayo Vallecano.
Haidar Mustafa waa sadex jir u dhashay dalka Lubnaan, waxaana labadiisi waalid ay ku dhinteen qaraxyadii bishii hore ee November ka dhacay suuqa Burj al-Barajneh, ee xaafada Shiicadu ka degto caasimadda dalka Lubnaan, gaar ahaan taageerayaasha ururka Xisbullah, waxaana masuuliyada 12-kii Qarax ee degaankaas ka dhacay sheegatay kooxda Dacish (ISIS).

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.