WorldRemitAds

Xarunta Culimada Mad-habta Suniga ugu sareeya caalamka Islaamka ee Azhar ayaa arin diinta Islaamka ka baxsan oo aan sinaba loo aqbali Karin ku tilmaamay dadka is gubaya iyo kuwa is khaarajinaya ee naftooda goynaya, arintan oo muddooyinkii u danbeeyay ku soo badanayay dalalka Carabta gaar ahaan Dalka Masar.

Fatwo Diino ah oo laga soo saaray xarunta cilmi baadhista iyo jaan goynta arimaha sharciga ee diinta Islaamka ee Azhar ayaa lagu sheegay in aanay sinaba diinta islaamku u ogolayn in qofku naftiisa gooyo.

SomlegalAds

Ha noqoto inuu is gubo ama is dabo amaba is khaarajiyo midnaba aanay banaanayn, Culimada Azhar waxay ay tilmaameen sida nafta aadamuhu u tahay qaali isla amrkaana aan loo ogolayn in mudaharaad ama cadho midna uu qofku naftiisa u gooyo oo isku haligo.

Sheekh u hadlay culimada azhar ayaa arinta is gubida ah ee mudooyinkii u danbeeyay ka socota dallalka carabta ku tilmaamay wax aan la qaadan Karin, isla markaana wuxuu ku tilmaamay inay yihiin dad aan caqli ahaan u dhamayn oo sida muuqata xanuunsanaya.

Sheekhu waxa uu ku dheeraaday sida diinta Islaamku mar walba u xaaraantinimaysay in qofku naftiisa gooyo isagoo arimo nololeed ka cabanaya ama in uu cadhooday tilmaamaya, “Dadkaas ma odhan karno way fayow yihiin caqli ahaan, mana garan karno waxa xaalkoodu noqonayo aakhiro, laakiin waxaan alle uga baryaynaa inuu u naxariisto, sidoo kale hadii qofku uu naftiisa gooyo wuxuu galayaa naarta oo wax banaynaya inuu naftiisa gooyaa ma jirto haddii uu nolosha oo cidhiidhi ah ka cabanayo, haduu mudaharadayo iyo haduu cadhaysan yahay, marnaba ma banaana in qofku naftiisa jaro.” Ayuu yidhi sheekaash u hadlay culimada Azhar.

Bayaanka Culimada mad-habta Suniga ugu sareeya ee Azhar ayaa ka danbaysay ka dib markii dhalinyaro badan oo shaqo la’aan iyo nolol xumo ka cabanaya oo u dhashay dallalka Tuuniisiya, Aljeeriya, Masar iyo Yemen ay meelo fagaarayaal ah isku ololiyeen oo dab isku qabadsiiyeen, dadkan oo qaar dirqi lagu badbaadiyay qaarna dhinteen, waxay ka cabanayeen nolol xumo iyo shaqo la’aan, arintaas oo culimada Azhar ku tilmaantay xaaran iyo waxaan la aqbali Karin oo diinta Islaamkana mamnuuc ka ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.