WorldRemitAds

Waa kuwee Cuntooyinka Iyo Sharaabyada ugu wanaagsan inay ku afuraan ama ku suxuurtaan dadka Sooman Bisha Barakaysan ee Ramadan?

Xili kasta oo la galaa waxa uu leeyahay, hab loola dhaqmo ama loola jaan qaado, tusaale ahaan haddii la galo wakhtiga jilaalka ah ee qabow, waxa aad taqaana dharka dugsiga iyo diirimaadka laga helo ee lagaga gaashaanto dhaxanta, halka xiliga xagaagana aad kaga dedaalayso inaad dhar fud fudud oo aan ku gubin inaad ka xidhato hanfiga iyo kulka badan.

SomlegalAds

Waxa iyaduna la mid ah marka la galo bisha barakaysan ee Ramadaan oo qofka soomani u baahan yahay, inuu quuto, cuntooyinka iyo cabitaanada anfacaya inta uu af xidhan yahay ee maalintii, wakhtiyada habeenkiina dhibaato iyo cilad aan ku keenayn caafimaadkiisa.

Sida aad akhriste u aragto in wakhtiga kulaylaha ah loo xidho dhar fudud isla markaana wakhtiga qaboobaha ah loo xidho dhar culculus waxa jira cuntooyin wakhtiga lagu jiro la jaan qaada oo loo baahan yahay inuu qofku isticmaalo.

Haddaba maadama oo lagu jiro bishii barakaysanayd ee Ramadaam waxa u wanaagsan qofka soomani inuu ogaado cuntooyinka iyo shaarabka u fiican naftiisa kuwaas oo haddii uu habeenkii isticmaalo uu maalintii kaga soo kaban karo uguna adkaysan karo soonka.

Waxa dhawaan laga sameeyay dhawr dal oo cimiladoodu aad inooga kulushahay baadhitaan dadka sooman lagu ogaanayo cuntooyinka iyo cabitaanada fuuq celinta u samayn kara, habeenkii haddii ay isticmaalaan.

Waxaana lagu soo ururiyay ilaa lix nooc oo kala ah, Heeda, timirta iyo muuska, waxa kale oo la raaciyay sadex sharaab oo kala ah, sharaabka laga miiro qasabka ama aale sonkorka, ka laga miiro ama laga tuujiyo liin macaanta iyo khudaaro la isku dar daro oo aanay soomalidu si wayn u isticmaalin.

Sida aan hore kuugu sheegay akhriste cuntooyinka iyo cabitaanada halkan lagu soo taxay waxaa loo xushay sida ay qayb uga qaadan karaan, fiitamiinada, macdanaha iyo unugyada jidhka ee in la xoojiyo u baahan.

Sida khabiirada baadhitaankan sameeyay sheegeen waxa qofka sooman ee meel kulul ku nool ka baxa jidhkiisa macdano iyo fiitamiino hadii uu ka soo kaban waayo ay dhici karto inuu fuuq bax ku dhaco ama hoos awoodiisu u dhacdo, sidaa daraadeed lixdaa nooc ee cuntooyinka iyo shaaraabka isugu jiraa waa lagama maarmaan inuu qofku isticmaalo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.