WorldRemitAds

Cuntooyinka Lamaanaha ama aadamigu quutaan, waxa ay leeyihiin saamayntooda, waxaanay isugu jiraan, kuwo faa’iido iyo nacfi u leh qofka iyo kuwo wax tar iska daaye dhibaato noqda oo wax tarkoodu yar yahay.

Inkasta oo dadka badankoodu aad u yaqaanaan ama ku dedaalaan sidii ay wax uga ogaan lahaayeen cuntooyinka dhinaca Hamada kor u qaada ama xidhiidhka qoyska wanaajiya, uma baadhaan sidaas oo kale kuwa ka soo hor jeeda ee lidka ku ah, wax kastana burburiya.

Haddaba baadhitaano qoto dheer oo ay sameeyeen, khubarada aqoonta u leh, cuntooyinka la quuto ee dunidu ayaa lagu ogaaday in qaar badan oo ka mid ah cuntooyinka aynu maalinlaha u quudano ama ku nusasaacayno qaar ka mid ahi ay yareeyaan, Hamada qofka, taas oo haddii ay dhacdo dhibaato ku ah xidhiidhka lamaanaha qoyska.

SomlegalAds

Cuntooyinkaas ama cabitaanada la dagaalama Hamada ee yareeya, waxa kamid ah, cuntooyinka fudud ee degdega ah, sida hamburger-ka, shawarimaha, jibiska iyo sharaabyada la isku badhxo ee mushakalka Somalidu u taqaano.

Cuntooyinkan oo ah ama isugu jira, kuwo dux badan leh iyo kuwo la shiilay waxa sida khabiirada cuntooyinku tilmaameen, ay leeyihiin subag ama dufan dheeraad ah oo waliba ah mid samays ah oo aan dabiici ahayn, waxaanay isla markiiba haleelaan oo caajis galiyaan hormoonada abuura Hamada qofka.

Cuntooyinka ayaa sida khubaradu sheegeen ah kuwo saamayn aan fiicnayn ku yeelanaya, lamaanaha labadoodaba oo aan rag iyo dumar midna ku fiicnayn, sababtuna waa mid la xidhiidha hab dhismeedka abuurka qofka ee Bayoolajiga ah iyo hormoonada sameeya Hamada qofka.

Cuntooyinkan oo ay ka mid yihiin, kuwa la shiilo ama la dubo, waxa ay leeyihiin ama ku badan maadooyin lagu magacaabo, Phytoestrogens kuwaas oo burburiya gabi ahaanba hamiga qofka.

Cuntooyinka Lamaanaha Qoyska U Daran Ee Dhibaatada Ku Noqon Kara XidhiidhkoodaCuntooyinkan waxa ka mid ah, sabaayada oo ka mid ah cuntooyinka borotiinada badan, laakiin aan ku fiicnayn in qofku ku casheeyo habeenkii oo kale  gaar ahaan raga oo kale, waxaanay casho sabaayad iyo shaah sonkor badan uu ninku isku cunaa, sababtaa sariir aan kalgacayl badani ku jirin in qoysku habeenkaas galo oo xidhiidhkoodi qoysnimo aanu fiicnaan habeenkaas.

Cuntooyinka kale ama cabitaanada u xun haweenka in ay ku quraacdaan, waxa kamid ah, sharaabyada soodhaha leh, oo halis u ah, haweenaydu in ay suus ilkaha ku yeelato, taas oo dhibaato ku keenaysa hormoonadeeda sameeya ugxanta, sidoo kale waxa sharaabyada soodhaha lihi haweenka ka yareeyaan in ilmo caloosheeda galo.

Waxa kale oo aan qoyska looga baahnayn in ay quutaan, wakhtiyada habeenkii cuntooyinka macaanka iyo dufanka badan, sida muqmada oo kale ama keegaga sonkorta badan, kuwaas oo inta badan dadku khalad ka fahamsan yihiin una haystaan inay keenaan hamo badan ama wax u taraan ninka, laakiin cunto kasta oo subaga ama duxda ku jirtaa badan tahay iyo kuwa macaanka badan midna uma fiicna lamaanaha qoyska.

Liis dheer oo cuntooyinkaas laga dayrinayaa ku qoran yihiin, ayaa in badan oo ka mid ah ayna dadkeenu, caadiyan u isticmaalin, laakiin cabitaanada iyo cuntooyinka inaga khuseeya waxa ka mid ah, bunka oo subaxdii lagu qureecdo, sida baadhitaanadani tilmaamayaan, ninka oo caadaysta inuu aroor kasta qureeca dabadii cabo koob bun ah waxa ay sababtaa muddo bil ah haddii uu isticmaalo in ay hoos u dhacaan unugyada ama hormoonada sameeya Spen-nada ka taas oo ay sababto marka ay ku badato maadada Phytoestrogens.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.