WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, August 3, 2016 (Saxafi) – Waxaa shalay magaaladda Hargeysa Shixnadii ugu horeysay ee Daamur ah oo loogu talo-galay in lagu dhaqaajiyo  Wershadda Cusub (Mixerplant) ah ee ay dawladda hoose ee Hargeysa soo iibsatay isla markaana lagu dhisayo waddooyinka casriga ah ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Maayar ku-xigeenka, Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago-weyne) oo ay weheliyaan  qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa shalay ka qayb galay badhigga qaybtaa hore ee daamurka oo lagu soo bandhigay goobta ay ku taallo Wershadda (Mixerplant-ka) ee Naas Abaarso.

Maayarka caasimadda Cabdiraxmaan Soltelco, ayaa sheegay in daamurkani muhiim u yahay istaadhka Wershadda Cusub, isla markaana uu noqonaya bilowga sameynta waddooyinka ugu muhiim caasimadda ee ay ka midka yihiin jidka isku Madaarka Hargeysa tagga ee ka bilaabma Saldhigga dhexe ee Bileyska ee Hargeysa ilaa Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, iyo waddada labaad ee halbowlaha ah ee daba marta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

SomlegalAds

“Haddii beri aanu mishiinkii oo qudha aanu sii istaadhno oo aan damuur loo hayn, waxba may tarteen. Shaqadii imika ayey bilaabmaysaa oo way dhamaystirmaysaa, waxana dadweynaha ugu baaqaynaa oo ku dhiman shidaalkii iyo shaqaalihi gacantooda.Waxaanan leeyahay dadweynaha hadanay ka qayb gelin waxaas oo qallab ah aanu isuso dul dhignay way istaagayaan, markaa waxaan leeyahay dadweynaha hawshaa nala qabta oo nagala soo qayb gala,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Mayor ku xigeenka caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi ayaa isna ka hadlay qorshahooda ku aadan tayeynta bilicda cassimadda isla markaana ugu baaqay dadweynaha in ay kaalintooda ka qayb qataan hawlgalada ay dawladda hoose wado, waxana hadalkiisa uu dhigna sidan “Dadweyanha waxa aad naga sugayseen waa waxqabadkii, waanad arki doontan waxqabadkayaga insha Allaah waxa aanu noqon doona golihii deegaanka ee ugu waxqabadka badnaa.”

Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Deegaanka ayaa iyaguna soo jeediyay in dadweynaha caasimaddu kala qayb-qaataan oo ay isbarbar taagaan sidii ay u hirgelin lahaayeen wax ka qabashada waddooyinka caasimadda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.