WorldRemitAds

Dhacdo aad looga wada yaabay, warbaahinta kala duwan ee dalka Shiinuhuna aad uga warantay, ayaa ka dhacday dalkaas, waxaanay ku saabsan tahay, dacwad nin muwaadin ah oo u dhashay dalkaasi ka gudbiyay gabadh jilaa ah oo matasha filimada dalka Shiinaha, taas oo uu ka xumaaday hab dhaqankeeda iyo sida ay wax u jilayso.

Ninkan oo cadho la daan daansan ayaa maxkamad ku taala gobolkiisa u gudbiyay dacwad ka dhan ah, gabadhaas, jilaaga ah, waxaanu ninkani maxkamada u sheegay in ay khaladaad dhinaca matalaada ah samaysay oo sida ay wax u jilaysaa gabi ahaanba khaldan tahay.

Ninkan ayaa maxkamada uga dacwooday caafimaad daro iyo cadho joogta ah oo ay gabadhaasi u gaysatay, mar kasta oo uu arkana uu aad uga sii cadhoonayo sidaa awgeedna uu doonayo in deg deg looga qabto.

SomlegalAds

Gabadh ka mid ah jilayaasha ugu waaweyn dalka Shiinaha, isla markaana ka qayb qaadata xayaysiisyada dharka iyo waxyaabaha labiska la xidhiidha, ayuu ninkani sheegay in ay matalaad aad xun kaga qayb qaadanayso filim musal sal ah oo ka bilaabmay telefishanada dalka Shiinaha gaar ahaan bishii May ee aynu ka soo gudubnay.

Ninkan ayaa ka cadhooday, qaabka ay ula dhaqmayso ninka ay ku matalayso inuu odaygeeda yahay iyo ilmo yar oo isna ay ku jilayso inay dhashay, kuwaas oo ay dayrinayso meel ka dhac wayna kula kacayso, taas oo ah dhaawaca ay u gaysatay gabadhaasi ee uu kaga dacwoonayo.

Zhao Wei oo dalka Shiinaha looga yaqaano aktarada da’da yar ee loogu tixgelinta badan yahay, ayuu ninkani sheegay inuu tobanaan qof oo kale oo ay dhibaato u gaysatay uu maxkamada keeni karo, sidaa awgeedna uu dalbanayo in mag dhow laga siiyo, meel ka dhaca iyo gafka ay ka daawade ahaan kula kacday ee khaladka ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.