WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 09, 2015 (Saxafi) – Salaadiinta, Cuqaasha, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada Beelaha ARAB-weyne ayaa waxay ku baaqeen in dib loo dhigo Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ee loo asteeyey 10 November 2015-ka inuu dalka ka qabsoomo, isla markaana waxay ka dalbadeen Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu bad-baadiyo Xisbigii KULMIYE oo burbur qarka u saaran.

Sidaa waxay ku sheegeen Sheegeen shirjaraa’id oo ay shalay ku qabteen Huteelka Ubaxle ee Magaalada Hargeysa.

kijaandhe1Siyaasi Cali Cabdi Cilmi (Cali-Curi) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ILAAHAY ugu mahad-naqaynaa annaga oo ah Beel-weyntii ARAB oo isu-dhan inaan halkan isugu nimaadno, waxa isku kaayo keenay duruuf adag dalka ka jirta, waxaanan doonaynaa inaanu ka hadalno marxalada uu maanta dalku marayo. Arrinka aanu ka hadlaynaa waa arrin na gubbay oo aan ka gami-waynay bishan lagu jira-ba, kaas oo ah taladdii qaranka iyo taladii Xisbigaba oo bohol ka laalaada. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaan leeyahay sidii talada waddanka la guugu dhiibay waad ka leexatay, oo dawladnimadii ayaad wax u dhintay, qaranimadii iyo Xisbinimadii KULMIYE ayaad wax u dhintay, taas oo ay sabab u tahay Xisbigii KULMIYE ee la wada lahaa ee aad habeen saqbadha u yeedhatay reerkii Habar-jeclo wixii golayaasha qaranka kaga jirey iyo Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, ee aad tidhi Muuse Biixi ayaan u cumaamadayaaye idinkuna igu raaca. Waxay arrintaasi noqotay shay adag oo haddii aanu nahay ARAB naga dhaadhici-waayay, wax qaranka iyo umaddu geydo may ahayn. Wasiir Xirsi anigu aqoon umaan lahayn, laakin go’aankii uu qaatay waxa uu mid dalka bad-baadinayay”.

SomlegalAds

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Md. Madaxweyne Axmed Cabdi Kijaandhe waxa uu ahaa 11-sanadood gacantaada midig, inaad maanta tidhaahdo Muuse Biixi ayaan u cumaamadayaa ee Axmed-Kijaandhe ma geyo lagaama fileyn. Axmed-Kijaandhe wuu geyaa oo waxa uu ku socda ka aad ku fadhido oo uu ku doonayaa sifihii aad ku timi, Madaxweyne waxaan soo jeedinayaa inaad bad-baadiso Xisbigii KULMIYE oo aad dib u dhigto Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE”

kijaandhe2Caaqil Cabdi Khayr Xandule oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland inuu bad-baadiyo Xisbigii KULMIYE iyo dalkiiba “Xisbigii KULMIYE Khilaag ayaa ka taagan, wixii la isku qabtana xal ayaa lagu dhameyn jirey, maantana anagu waxaanu jecel-nahay in xal lagu dhameeyo oo aanu nina arrinka maroorsan, Waxaanan soo jeedin lahaa in Shirka Golaha dhexe dib loo dhigo oo khilaafka la xaliyo. waxa la yidhi arrin lagu heshiin-waayay ama wax ayaa ka dhiman ama wax ayaa lagu daray”.

Maxamed Cali Madoobe oo ku hadlayay Afka Guddida AFGARAD, aya waxa uu yidhi “Shirkayagan jaraa’id waxa uu daaran yahay masiirkii umadda oo mugdigalay, oo ay masuuliyadiisa kowaadna ay dhakada ka saran tahay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), markii la yidhi Xisbigii KULMIYE aanu ka midka ahayn tiirarkiisa waaweyn cid ayaa loo xidhay Sidii Xisbiga Kacaanka hanti-wadaaga Afweyne cid qudha ayaa iska sharaxaysa arrintaasi waxay noqotay arrin noo cuntami-weyday, Kaadhadhka iyo habkii xalaasha ahaa ee looga tartami lahaana waa la diiday, way noo cuntami-wayday aan kaadhadhka sameysto, anigu aan garsoore ahaado hadana ila tartam, wax ay umaddu aqbali-kareyso maaha”. “Waanu taageersanahay sida uu u qaadacay Murrashax Kijaandhe inuu ka qeybgalo Shirka Golaha dhexe Xisbiga KULMIYE, madaxweynuhu Xisbigii KULMIYE gacantiisa ayuu ku burburiyay, wixii ka yimaadana isaga ayay masuuliyadiisu dhabarka u saran tahay”. Ayuu yidhi Maxamed Cali Madoobe. “Isaxaaqda maanaan diidin ee Xaaqda ayaan diidnay, tartan maamaan diidin ee garsoore ayaan ka noqonayaa ayaan diidnay”

kijaandhe3Siyaasi Axmed Cali Muuse oo ka mida Guddida Beesha Arab ee Afgarad oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxa maanta halkan isugukaayo keenay waxa weeyaan arrin xaasaasiya, oo aan u aragnay inay dalka iyo dadkaba wax u dhimayso, dalku waa reero aan la ictiraafin, waxa jira diwaan Siyaasadeed oo ay Somaliland leedahay Xisbiga KULMIYE tartan gudihiisa lagalay oo ay laba nin cod ku galeen ma jiro, waxay beeluhu isla soo gartaan oo la waafeeriyo ayaa nin Kursiga loogu caleemo-saari jiray. Waxaan ku sheegaynaa Madaxweyne inaad Cadaalada ku soo noqoto, oo aanu annagu (ARAB) aanu nahay cidda xaqa u leh ee diwaanka siyaasadeed dhigayo, sidii laguugu tumay ee Kursigaasi laguugu fadhiisiyay aad noogu fadhiisiso. Waxaan ku leeyahay dadka dhex u noqo oo qarankana dhibaato ha u keenin, waxa la yidhi haddii nin kugu badiyo Ceesaan isii ceesaan ayaa la siiyaa, taas reerka iyo tuulaha midna ma gaadhsiiyo, hadaad Muuse Biixi Siisay Ceesaantii waa Ceesaan Siyaasadeed ee waa inuu gartaa inaanad waxba siinin weeyaan. Hadaad adiga oo qaranka u sareeya aad tidhaahdo Habar-awal ayaa waxaa leh Arab-na ma leh waddanka wixii dhibaato ka yimaadana adiga ayaa ka masuula, Waxaan leeyahay Madaxweynaha tuduc uu Ka mida Gabay uu tiriyay Alle ha u naxariiste Saahid Qamaan waxaanu yidhi:

Ragna waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi

Mase inaanu nahay ooy tolnimo meerto noo tahaye

Oon waliba kaga miilcadahay miidhse diidaniye

Masalaha ninkaan ii goglayn midig ma saaraayo

Ninka aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho

Saddex magac Alle xaajadaa layma marinsiiyo”

Oday Cabdilaaahi Maxamed Xandule oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Madaxweyne Xisbigii KULMIYE khilaaf weyn ayaa ka jira, khilaafkuna wakaas adduunka oodhan burburiyay, hasahashanin khilaafkaasi ee waxaad ku maareynaysa inuu dadku kala qanco oo aad isku joojiso, oo dadka cabanayaa ay gar helaan ama ay waayaan oo aad dhexdooda fadhiisataad isugu joojin kareysaa, weliba waxaan soo jeedin lahaa inaad Shirka Golaha dhexe aad dib u dhigtid”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.