WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 9, 2015 (Saxafi) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ahna musharax u taagnaa mansabka musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye, ayaa xaaraan ku tilmaamay shirka golaha dhexe ee Kulmiye salaasadda qabsan doono, kaas oo uu ku tilmaamay inaanu ahayn mid loo dhan yahay, isla markaana aanay garabkoodu ka qayb-geli doonin, isagoo dhinaca kalena Madaxweyne Siillaanyo ugu baaqay inuu ilaaliyo wada-jirka bulshada iyo midnimada xisbiga KULMIYE.

Maxamed Biixi waxa uu sheegay inaanay aqbali doonin musharax kasta oo ka soo baxa shirka Kulmiye, sidaas darteedna aanay cidna u daba fadhiisan doonin hogaanka xisbiga Kulmiye, isla markaana waxa uu xusay in boob cad iyo afduub lagu soo saarayo cidda ka soo baxda Kulmiye shirkaas.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.