WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 9, 2015 (Saxafi) – Wasiirkii hore ee Maaliyadda, kana mid ah musharaxiinta mansabka Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE, Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa si adag uga soo horjeestay shirka golaha dhexe ee la filayo inuu Maalinta Salaasada ah ee berito ka qabsoomo Hargeysa, waxaanu sheegay in markii ay arkeen inaan talo la isweydaarsanayn, isla markaana aan la isku joojinayn ay goosteen inaanay ka qayb galin shirkaas soo socda.

SamaaleCabdicasiis Samaale wuxuu sheegay in dad badan oo tacab soo gashay xisbiga Kulmiye, haatan midba meel lagaga tegay, taasina ay dhaawici doonto mustaqbalka xisbiga Kulmiye, isagoo hoosta ka xariiqay in hoggaanka Kulmiye u muuqdo mid ka kaaftoomay taakulayntooda, balse ay iyagu muddo ku dedaalayeen in si xor ah loo tartamo, isla markaana cid kasta oo ku soo baxda tartanka hareeraha la iska taago.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.